LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Karim Benzema Oo Magiciisa Ku Qoray Buugaagta Taariikhda Kooxdiisa Real Madrid-Miyuu U Qalmaa Ixtiraam Ka Badan?

Gool dhaliyaha laacibkii Real Madrid ee Karim Benzema ayay xalay u ahayd habeen taariikhi ah oo aanu ilaawi doonin kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Champions League ee ay Madrid guusha wayn ka soo gaadhay Virtoria Plzen.

Karim Benzema ayaa ku biiray liiska ciyaartoy khaas ah oo Real Madrid taariikh ka soo sameeyay wuxuuna magiciisa ku ag qoray liiska halyayo xusuus badan ku leh jamaahiirta laacibkii Madrid laakiin waxa uu wali haystaa fursad uu ku sii wadan karo. Daawo mid ka mid ah goolashii cajiibka ahaa ee uu Benzema dhaliyay.

Karim Benzema ayaa noqday xidiga 7 aad ee taariikhda Real Madrid goolasha ugu badan ka soo dhaliyay wuxuuna xalay dhaliyay goolashiisii 200 aad iyo 201 aad si uu kaalinta 7 aad uga soo galo liiska gool dhalinta abid ee ciyaartoyda Madrid muddadii 116 ka sanadood ahaa ee ay kooxdeedu jirtay.

Gool dhalinta abid ee Real Madrid waxaa 450 gool ku haya Cristaino Ronaldo oo hadda ka tirsan laacibkii Juventus waxaana kaalinta labaad ku jira xidiga rekoodhkan hore u haystay ee Raul Gonzalez kaas oo Madrid u soo dhaliyay 323 gool.

Waxaana kaalinta saddexaad ku jira halyaygii Real Madrid ee Alfredo Di Stéfano kaas oo laacibkii u soo dhaliyay 308 gool waxaana kaalinta afraad haysta Carlos Santillana oo 290 gool u soo saxiixay Los Blancos haka kaalinta shanaad uu ku jiro Ferenc Puskás oo waayihiisii dahabiga ahaa ee Madrid ku soo dhaliyay 242 gool.

Hugo Sanchez ayaa ah xidiga lixaad ee taariikhda Madrid soo maray ee goolasha ugu badan soo dhaliyay wuxuna haystaa 208 waana rekoodh hadda halista ugu wayn uu Benzema ku hayo maadaama oo uu kaalinta 7 aad ee gool dhalinta abid ee Madrid uu ugu soo fadhiistay 201 gool wuxuuna Benzema u baahan yahay 7 gool si uu u soo qabto Hugo Sanchez.

Liiska Totodabada Ciyaartoy Ee Real Madrid Goolasha Ugu badan Abid U Soo Dhaliyay:

1-Cristiano Ronaldo (450)

2-Ra√ļl Gonzalze (323)

3-Alfredo Di Stéfano (308)

4-Carlos Santillana (290)

5-Ferenc Pusk√°s (242)

6-Hugo S√°nchez (208)

7-Karim Benzema (201)

Karim Benzema ayaa marar badan orin iyo eedayn badan kala kulmay jamaahiirta kooxdiisa Madrid balse waxaa xaqiiq ah in uu uga baahan yahay ixitraam ka badan inta uu hadda ka helo maadaama oo uu ku biiray liiska halyayada laacibkii magacooda sida wayn looga ixtiraamo.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *