LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Karim Benzema iyo Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta France oo xiriirkooda meel xun marayo iyo ereyo adag oo la is dhaafsaday!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Weeraryahanka laacibkii Real Madrid ee Karim Benzema ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta dalka France ee Noel Le Graet, waxaana uu u sheegay inuu iska illoobo.

Le Graet ayaa warreysi uu dhowaan bixiyay ku sheegay in waayihii Benzema ee qaranka Faransiiska uu guud ahaa dhammaaday isagoo ku sababeeyay inuu hoos u dhac ku yimid.

“Ma rabo inaan iraahdo wax kasoo horjeedo Karim.

“Dabci fiican ayuu kula dhaqmaa kooxdiisa, si kastaba ha ahaatee, waxa ay ila tahay inuu dhammaaday waayihiisa Les Bleus, gaar ahaan markii uu billaabay hoos u dhac” ayuu yiri Le Graet.

30-jirka Real Madrid weerarka ugu ciyaara ayaanan ku dheerraanin jawaabta uu siinayo madaxweynaha waxaana bartiisa twitter-ka uu ku weydiistay inuu ammaan siiyo.

“Mr. Le Graet, waxaan ku weydiisanayaa inaad iska key illowdo, fadlan i dhaaf” ayuu soo qoray xiddiggii hore ee Lyon.

“France waa horyaalka Adduunka, taas ayaana ah muhiim, waxa kasoo harayna waa micno darro. Mahadsanid Le Graet. Nafis isii” ayuu qoraalkiisa Twitterka soo raaciyay Benzema.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII