LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kaddib Man City oo ku guuleysatay Premier League, waa kuwee kooxaha iyadoo kulamo badan harsan yihiin hantay horyaalka?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay caawa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii laacibkii ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro 1-0 kala kulantay West Brom.

Waa markii shanaad oo ay Manchester City qaato horyaalka Ingiriiska kaddib xilli ciyaareedyadii 1936–37, 1967–68, 2011–12, 2013–14.

Haddaba laacibkii ka dhisan Etihad ayaa xaqiijisay caawa inay ku guuleysatay horyaalka Premier League oo uu ka harsan yahay shan kulankan.

Waxaan halkaan hoose idin kula wadaageynaa kooxaha sida fudud ku qaaday horyaalka ama iyadoo kulamo badan harsan yihiin ku guuleystay horyaalka.

Kooxaha iyadoo kulamo badan harsan yihiin ku guuleystay horyaalka ayaa waxa ay kala yihiin labada Manchester ee Man United iyo Man City oo iyadoo shan kulan ka harsan yahay horyaalka xaqiijiyey inay qaadeen.

Man City ayaa xaqiijisay xilli ciyaareedkan 2017/18 hanashada horyaalka Premier League iyadoo horyaalka uu ka dhiman yahay shan kulan, si la mid ah Man United oo xilli ciyaareedkii 2000/01 xaqiijisay inay ku guuleysatay horyaalka iyadoo uu ka harsan yahay shan kulan.

Man City waxa ay caawa ku guuleysatay horyaalkeedii shanaad, halka Man United ay haysato 20 koob oo horyaalka Ingiriiska ah.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII