LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Ka hor kulanka ugu weyn xilli ciyaareedkooda, ciyaartoyda Man Utd oo bambo looga nixiyey iyo sida uu xaalku kusoo dhammaaday!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ciyaartoyda laacibkii Manchester United ayaa waxaa lagu wargeliyey cabsi bambaano ka hor kulankooda tartanka UEFA Champions League ay ku wajahayaan laacibkii Sevilla.

Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa wajaheysa laacibkii reer Spain lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UCL taasoo ka dhici doonta garoonka Old Trafford caawa oo Talaado ah.

Balse ciyaartoyda laacibkii Man United ayaa cabsi lasoo deristay Isniintii markii la xiray hateelka ay sida joogtada ah u degaan ciyaartoyda Man United ka hor ciyaarahooda Old Trafford iyadoo laga shakiyey inay bamboo ku jirto. Waana hoteelka uu degan yahay tababare Jose Mourinho.

Bambadaan ayaa waxaa la sheegay inay tahay mid ka hartay dagaalkii labaad ee adduunka, si kastaba ha ahaatee, baaritaan dheer oo la sameeyey waxaa lagu ogaaday in sheygu uusan bamboo aheyn, sidoo kalena uusan halis aheyn.

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Manchester United ayaa isku diyaarinaya kulankooda ugu weyn ee xilli ciyaareedkaan, waana kulanka ku xiran noloshooda tartanka UCL iyadoo goolhaye David de Gea uu badbaadiyey lugtii hore.

SHARE

Facebook

Twitter

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII