LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Ka Hor Kulanka El Claisico Ee Camp Nou, Real Madrid Oo Ka Walwalsan Rekoodhka Cusn Ee Kaadhka Cas Ee Uu Sergio Ramos Sida Sahlan Ku Qaato.

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka ee ay Camp Nou kula soo ciyaari doonto laacibkii ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona. Real Madrid ayaa ka hor kulankan waxay ka walwalsan tahay rekoodhka xun ee uu kabtanka kooxdeeda ee Sergio Ramos uu ku leeyahay in uu si sahlan ku qaato kaadhka cas. Sergio Ramos ayaa xili ciyaareedka cusub noqon kara ciyaartoygii abid horyaalka Spain kaadhadhka cas ee ugu badan qaatay, laakiin Zidane ayaa doonaya in kabtankiisu aanu xaalad xun kooxdiisa ku abuurin.

Kulankii ugu danbeeyay ee El Clasico ee Santiago Bernabeu ka dhacay xili ciyaareedkii hore ayuu Sergio Ramos qaatay kaadhkiisii ugu danbeeyay ee kulank muhiim u ah kooxdiisa, markaas oo ay Barcelona 3-2 guul ugu soo gadhay Bernabeu iyada oo Messi uu goolka guusha dhaliyay ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay markaas oo uu ka hor Ramos kaadhka cas ku qaatay isla Messi.

Jose Mourinho ayaa markii uu Real Madrid joogay waxa uu ku kaftami jiray in ka hor kulamada Barcelona uu kooxdiisa tababarka ku sii siiyo toban ciyaartoy maadaama oo uu ka walwalsanaa in kubbad haysashada badan ee Balaugrana ay ciyaartoydiisa Real Madrid sabab ugu noqon kartay kaadhka cas. Waqtigii Mourinho ayay Real Madrid inta badan kaadhka cas ku soo qaadan jirtay kulamada El Clasico.

Laakiin Zidane ayaa rajaynaya in kualnka El Clasico ee Camp Nou in ciyaartoyda kooxdiisu ay muujiyaan deganaan ayna ku qaadan kaadhka cas iyada oo walwalka ugu wayn laga qabo Sergio Ramos kaas oo ay caado u noqotay in uu kaadhadh badan oo casaan ah qaato.

Los Blancos ayaa doonaysa in ay natiijo fiican kala soo laabto Camp Nou si ay kulanka lugta labaad ee Santiago Bernabu ay ugu guulaysan karto koobka Spanish Super Cup kaas oo Zidane iyo kooxdiisa ka caawin kara in ay bilawga xili ciyaareedka laba koob ku guulaysan karaan kadib guushii UEFA Super Cup ee ay Man United ka soo gaadhay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII