LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Juventus oo tallaabo hor leh u qaadday saxiixa Cancelo.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wararka ka imaanay dalka Italy ayaa sheegay in wakiillo ka tirsan kooxa Valencia ay joogaan gudaha Talyaaniga si ay u dhammeeyaan wada hadallada ku aaddan Joao Cancelo.

Cancelo ayaa xilli ciyaareedkii idlaaday amaah kula joogay laacibkii reer Talyaani ee Inter Milan, balse rabitaanka Nerazzuri waxaa xaddidayay maadaama aysan bixin karin lacagaha lagu burburin karo heshiiska laacibkan uu kula jiro laacibkii reer Spain sababo la xiriiro xaddidaadda sharciga dhaqaale wanaagga ee FIFA.

Sidaas darteed laacibkii Bianconneri ayaa si aad ah isugu qalabeysay iibka difaaca dadabka midig ka ciyaara xilli agaasimaha guud ee Juventus Giuseppe Moratta uu xaqiijiyay inay u arkaan saxiix weyn.

Agaasimaha ayaa shalay sheegay inaysan jirin wax wada hadallo ah oo dhex maray labada koox, balse maanta Sky Iltalia ayaa daabacday in wakiillo ka tirsan Valencia ay ku sugan yihiin gudaha dalka Talyaaniga si ay Juve ula meel dhigaan heshiiska laacibka reer Portugal.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII