LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Juventus Oo Liverpool, Chelsea iyo Manchester United Kaga Gacan Sarraysa Tartanka Loogu Jiro Xiddig Ka Tirsan Arsenal

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa isku diyaarinaya heshiis hordhac ah oo uu bisha January u saxeexi doono naadiga reer Talyaani ee Juventus.

Laacibkan 27 jirka ayaa uu xagaaga dhamaan doonaa qandaraaska uu kula jiro Arsenal, waxaana dhowaan burburay wada-hadallo u socday Arsenal oo ku saabsanaa sidii uu heshiis cusub u saxeexi lahaa.

Kooxaha horyaalka Premier League ee Chelsea, Manchester United iyo Liverpool oo dhamaantood xiisaynayey xiddiga reer Wales ayaa la sheegay inay candhuuftooda dib u liqeen oo ay quus ka taagan yihiin laacibkan oo ay doonayeen inay heshiis xor ah kula soo wareegaan bisha June.

Liverpool oo loo malaynayey inay hoggaaminayso tartanka loogu jiro Ramsey ayaa sida uu qoray wargeyska Daily Mail, waxa kaga gacan sarraysa Juventus oo la bilowday wada-hadallo ay suurtogal tahay in bisha January uu ku saxeexo heshiis hor dhac ah oo uu xagaagana si toos ah ugu wareego.

Ramsey ayaa loo ogol yahay inuu heshiis isfaham ah lasii geli karo laacibkii uu doono marka la gaadho January, waxaana warar laga helay qandaraaska uu saxeexi doono uu bishii qaadan doonaa £250,000.

Ramsey oo gool qurux badan u dhaliyey Arsenal kulankii Fulham, ayaa dabbaal-deg uu sameeyey waxa lagu tilmaamay inay ahayd farriin uu u dirayay tababare Emery iyo jamaahiirta Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, bisha January ayay caddaan doontaa in Ramsey uu qalinka u qaato heshiiska Juventus iyo inuu midkood doorto kooxaha horyaalka Premier League amaba ay dhacdo inuu qandaraas cusub oo qanciya uu ka helo kooxdiisa.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII