LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jurgen Klopp oo niyad xumo ka muujiyay fursadda ay u heystaan iney helaan xidigii badali lahaa Philippe Coutinho.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa aysan cadaadis saari doonin RB Leipzig si ay ugu ogolaadaan helitaanka Naby Keita oo la dareensan yahay inuu buuxin karo booska Philippe Coutinho.

Reds iyo laacibkii ka dhisan Bundesliga ayaa heshiiyay xagaagii lagasoo gudbay, waxaana la isku afgartay in Naby Keita uu Anfield yimaad bartamaha sanadkaan, walow uu ka gudbay tijaabada caafimaad isla markaana lasoo bandhigay lambarkiisa.

Si kastaba waxaa soo baxay warar sheegaya in Reds ay u dhaqaaqi doonto xidigaan si uu badalka Coutinho u galo, sidoo kalana warbixino ka imaanaya Jarmalka ayaa qiraya in RB Leizpig aysan diyaar u aheyn iney bixiso.

“Fahamkeyga wuxuu yahay ineysan jirin wax arintaas ku saabsan oo laga hadlo” ayuu yiri Klopp oo la hadlayay warbaahinta. “Waa ciyaariyahan ka tirsan Leipzig, taasi waa waxa aan ogahay, xagaagana inta ayuu imaanayaa, taasina waa wax aan ogahay sidoo kale”

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII