LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jurgen Klopp oo hadda ka jawaabay bixitaankii Emre Can.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Macallin Jurgen Klopp ayaa caddeeyay inuusan wax dhib ah ku qabin bixitaankii Emre Can oo xagaagan ku biiray laacibkii Juventus.

Liverpool ayaa heshiis uu kusii joogo Anfield u bandhigtay Can, balse waa uu ku gacan seeray si uu ugu biiro laacibkii ciyaarta Serie A.

Klopp ayaa sheegay inuusan dhibaato ku qabin in uu hayaamo laacibka khadka dhexe isagoona u rajeeyay inuu u wacnaado xilligiisa Bianconeri, waxaana uu sheegay inuu weli xiriir fiican la leeyahay xiddigga reer Germany.

Macallinkii hore ee Borussia Dortmund ayaa hoos u dhigay inay xurguf dhex martay isaga iyo Can, balse 24-jirka awoodda badan uu jecleystay inuu ka weecdo England oo uu afar sano ku sugnaa.

Klopp ayaa ka war helay bilooyin ka hor inta uusan xiddiggii hore ee Bayern Leverkusen ku dhawaaqin inuu ka tagayo laacibkii Liverpool, taasna ay u sahashay inuu qorsho fiican u diyaarsado suuqa xagaaga.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII