LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

“Jose Mourinho Waa Mid Kamid Ah Tababarayasha Ugu Fiican Abid” – Special One Oo Amaan Weyn Ka Helay Mid Kamid Ah Xiddigaha Kooxdiisa.

Tababaraha laacibkii Manchester United ee Jose Mourinho ayaa amaan ka helay daafaca midig ee kooxdiisa ee Diogo Dalot kaas oo ku sifeeyay tababaraha kooxdiisa mid kamid ah tababarayasha ugu fiican abid kubadda cagta,

Bar-bardhacii min labada gool ahaa ee ay United la gashay Arsenal ayaa sheegaya in laacibkii Jose ay haatan guul la’aan tahay afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxaana ay dhibco door ah ka hooseeyaan booska afraad ee miiska kala sarreynta.

Da’yarkan oo ugu horreynba ka hadlay kulanka Fulham ee toddobaadkan ayaa yidhi “Kulanka Fulham waa kulan weyn, Waxaan filayaa in Premier League uu markasta kulanku weyn yahay taasi waa mid kamid ah waxyaabaha aan ku ogaaday halkan”

“Ma jiraan kulamo fududi, Ma jirto fursad lagu nasto intayada ugu badanina waxaan doonaynaa dhibco si aan kor ugu fuulno miiska kala sarreynat, Taasi waa waxa aan doonayno”

Intaa kaddib Dalot ayaa bilaabay amaanta tababarahan ay kasoo wada jeedaan dalka Portugal waxaana uu yidhi “Jose Mourinho waxa uu anaga na siiyaa dhammaan khibradiisa iyo cilmigiisa kulanka, Maaha kaliya aniga”

“Waxaan filayaa inuu yahay mid kamid ah tababarayasha ugu fiican abid, Aniga ahaana waa riyo rumawday inaan isaga dhinaciisa ahaado oo aan wax ka barto, Waa wax aad u wanaagsan”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII