LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jose Mourinho oo mid ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka kuwooda ugu fiican yurub weydiistay inuu kooxdiisa iska joogo.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu talaabo u qaaday saxiixa da’yarka Ajax Amsterdam Justin Kluivert waana wiilka uu dhalay xidigii hore qaranka Holland Patrick Kluivert.

Jose Mourinho iyo wiilkaan sheeko xiiso leh ayaa dhexmartay kadib ciyaartii finalka UEFA Europa League ee kooxaha Ajax iyo Man United ku dhexmartay dalka Sweden, balse xiligaas waxey saxaafadd durba baahisay inuu xagaaga 2018/2019 lasoo saxiixan doono.

Bishii lasoo dhaafay ayaa aad loola xiriiriyay 18-jirkaan heerka caalami inuu imaan doono Old Trafford, waxaana kaliya qandaraaskiisa kaga haray 18-bilood – sidaas darteed Jose wuxuu u sheegay wiilka inuu iska joogo kooxdiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

wargeyska Sport ayaa baahiyay in Kluivert uu doonayo imaatinka Old Trafford waqtigaan, balse Jose uu wiilka dajiyay isla markaana u sheegay inuu sugo ilaa kadib koobka Aduunka markaas oo laacibkii ay sameyn doonto suuqgal fiican.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII