LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jose Mourinho Oo Aad Ugu Carreeysay Maamulka Sare Ee Manchester United Kaddib Ballamihii Ay Uga Bexeen

Jose Mourinho aad ayuu uga carooday ballan looga baxay oo ku saabsaneyd in £100m lagu maalgalin doono xoojinta daaficiisa dhexe.

Tababaraha reer Portugal waxa uu ku qaatay waqtigiisa xagaagan isku dayyo oo uu ku raadinayey adkeynta daaficiisa dhexe o uu ka dhitay bartilmaameedka kowaad.

United waxaa lala xiriirinayey Toby Alderweireld, Harry Maguire, Jerome Boateng iyo xataa Diego Godin oo habeenkii ugu dambeeyey suuqa soo fuulay shaashadaha.

Sida laga soo xiganayo Daily Mail, aad ayuu Jose Mourinho uga carooday dhaqankii Ed Woodward oo markii hore u sheegay in dhaqaale loo hayo xoojinta daafaca dhexe.

Mourinho iyo United waxa ay ku ballameen in ay soo xero galiyaan Raphael Varane oo ay xataa jabiyaan rikoorka suuqa kala iibsiga oo ay u huraan £100m.

Hase ahaatee, markii ay Real Madrid caddeysay in aysan iibineyn, laacibkii waxa ay ku fashilantay in ay hesho bdelkiisa.

Alderweireld ayaa noqday bartilmaameedkii u xigay Varane laakiin Tottenham ayaa aad isugu adkeysay.

Daafaca dhexe ee Bayern Munich Boateng waxaa diiday maamulka Red Devils maadama uu jiro 32 sano halka Diego Godin uu ka gaasaday u soo dhaqaaqidda Premier League.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *