LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jose Mourinho: Haddii Aan Ahaan Lahaa Real Madrid Waqti Kuma Lumiyeen Xiisaha David de Gea

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii Manchester United Jose Mourinho ayaa uga digay Real Madrid inay waqti isaga lumiyaan saxiixa goolhaye David de Gea.

Saxafiyiin Isbaanish ah ayaa Mourinho weydiiyay xaalada goolhayaha lala xiriirinayo Real Madrid ka hor kulanka Champions League caawa ay ku wajahayaan laacibkii Sevilla.

Tababaraha reer Portugal ayaa kalsooni ku qaba inuu goolhaye David de Gea kusii negaan doono laacibkii Manchester United.

“Waxaan qabaa inuu sii joogi doono halkaan” ayuu Mourinho u sheegay wariyaasha fiidnimadii xalay.

“Ma aqaano sababta Real Madrid, laakiin haddii aan iyaga ahaan lahaa, waxan ka fekeri lahaa ciyaaryahan kale oo aan heli karo “ayuu yiri Jose Mourinho.

Goolhaye David de Gea ayaa bartilmaameed xoogan u ah laacibkii ka dhisan caasimada Spain sannadihii lasoo dhaafay, waxaana loo arkaa inuu yahay bedelka saxda ah ee Kalor Navas.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII