LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jesse Lingard Oo Ku Maadsaday Dabaaldegii Uu CR7 Sameeyay Xalay Markii Uu Gool Ka Dhaliyay Man United Isagoo Sawirkaan Instagram Soo Dhigay

Cristiano Ronaldo ayaa xalay ka careysiiyay jamaahiirta kooxdiisa hore ee Manchester United kaliyana ma aheyn inuu si weyn u dabaaldegay markii uu gool ka dhaliyay laakiin sidoo kale hadaladii uu yrii ciyaarta ka dib.

Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay laacibkii Turin ka dhisan isagoo dabaaldeg weyn sameeyay islamarkaana murqaha calooshiisa u bandhigay taageerayaasha kooxdiisa hore.

United ayaase soo kabsasho xilli danbe ah sameysay ka dib laad xor ah oo uu ciyaarta ku barbareeyay Juan Mata iyo gool uu iska dhaliyay xiddiga Juventus ee Sandro.

Ronaldo ayaa ciyaarta ka dib waxa uu sheegay in kooxdiisa Juventus ay u qalantay inay afar gool dhaliyaan islamarkaana Man United ay ku tashaneysay kaliya kubadaha laadadka xorta iyo koornooyinka sida ay sameeyaan buu yiri inta badan kooxaha Ingariiska.

Xiddiga Man United Jesse Lingard ayaana bogiisa Instagram soo dhigay sawir uu ku durayo dabaaldegii uu Ronaldo sameeyay xalay.

Madaama uu xiddiga reer Portugal murqaha calooshiisa ugu faanay jamaahiirta United, Lingard ayaa markii ay kooxdiisa badisay ka dib waxa uu isna barbardhigay sawir uu banaanka keenay murqaha calooshiisa isagoo ciwaan uga dhigay: “Kumaa si wanaagsan u sameeyay?”

View this post on Instagram

Who Did It Better? 😂😂 #99 #CR @jlingz

A post shared by JLingz 🔱 (@jesselingard) on Nov 8, 2018 at 5:32am PST


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *