LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Jamie Carragher Oo Si Maldahan Ugu Camirtay Man United Kadib Markii La Ansixiyay Sharciga Cusub Ee Lagu Ciqaabayo Xidigaha Khiyaana Garsoorka

Halyeeygii hore Liverpool & qaranka England Jamie Carragher haatanna ka mid ah falanqeeyayaasha Sky Sports ayaa si aan gabasho laheyn ugu camirtay laacibkii uu aadka u neceb yahay ee Manchester United kadib markii la ansixiyay sharciga cusub ee lagu ciqaabayo ciyaartoyda istuurka sameeya.

Xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa qaaday talaabadii ay horay u qaadeen FA-ga Scotland kuwaas oo goor hore hirgaliyay qorshaha lagu ganaaxayo ciyaartoyda khiyaameeya garsoorka.

Marka la gaaro xili ciyaareedka 2017/2018 – xidig walba oo si cadaalad darro ah natiijo ugu keena kooxdiisa waxaa la ganaaxi doonaa laba kulan hadii ay u cadaato inuu indha-sarcaadiyay garsoorka.

Si kastaba Jamie Carragher ayaa bartiisa twitter-ka ugu camirtay United oo lagu sheego iney heysato ciyaartoyda mar walba is tuura.

“Dhibaatooyin badan ayey wajahi doontaa xili ciyaareedka soo aadan” ayuu bartisia twitter-ka kusoo qoray Jamie isagoo si maldahan u tilmaamaya iney yahiin kuwa ugu badan ee khiyaameeya garsoorka.

Makula tahay in Man United ay tahay sida uu ka aaminsan yahay Jamie?

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII