LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Iskoorada Man City EPL ka jebisay iyo kuwa weli u harsan inay gaaraan

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Hambalyo laacibkii Man City guuleestayaasha Horyaalka Ingiriiska 2017/18.

Man City waxay hanteen horyaalka Ingiriiska kadib markii 1-0 guuldaro Man United ay kala kulantay naadiga West Brom.

Haddaba Man City hanashada horyaalka EPL 2017/18 waxaa ka dhashay rikooro badan kuwo kalena wey sameyn karaana ayadoo horyaalka 5-kulan ka harsan tahay.

Guulaha Ay Gaartay Naadi EPL Qaaday: Man City waxay guuleesatay 28-kulan xili cayaareedkan waxayna u baahan yihiin labo guul shanta kulan ee u harsan si ay u bar bareeyaan rikoorkii Chelsea 30-kulan guuleesatay 2016/17.

Kulamada Guulaha Safarka (Away) Lagu Gaaro: Chelsea ayaa heesato rikoorka kulamada safarka gaarto naadi horyaalka qaaday 15-guuul ayagoo safra ah xili cayaareedkii 2004/05, waa hubaal in City rikoorkaas jebin karto madaama ay haatan 14-kulan safar guuleesteen waxaana u harsan labo kulan safar ay aadi doonaan West Ham iyo Southampton.

Dhibcaha Ugu Badan Koox EPL Ku Qaado: Chelsea ayaa 95-dhibcood ku qaaday xili cayaareedkii 2004/05, Man City haatan 87-dhibcood ayay leedahay waxay gaari karaan 102-dhibcood hadii ay guuleesteen shanta kulan u harsan waxayna noqon karaan kooxdii ugu horeesay 100-dhibcood gaarto.

Dhibcaha Ugu Badan Safar (Away) Koox usoo Hesho: Chelsea 48-dhibcood ayay safar kusoo aruursatay xili cayaareedkii 2004/05. Man City haatan 44-dhibcood ayay safar ku heshay, hadii ay West Ham iyo Southampton safarka ay ku aadayaan guul kusoo gaaraan 50-dhibcood Away ah ayay aruursan doonaan.

Goolasha Koox EPL Qaaday Dhaliso: City waxay doonayaan inay gaaraan rikoorka Chelsea goolasha ugu badan EPL oo ah 103-gool inay dhaliyeen xili cayaareedkii 2009/10. Man City hadda waxay dhalisay 93-dhibcood waxaana u harsan 5-kulan City oo ay iskoorka 103-gool Blues kaga taqalusi karaan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII