LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Iska Illow La Liga, Neymar oo sheegay horyaalka uu doonayo inuu u dhaqaaqo!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Waxaa si aad ah loo hadal hayaa macquul ahaanshaha uu Neymar Jr ugu laaban doono horyaalka Spain ee La Liga, halkaas oo ay ka baadi goobayaan kooxaha FC Barcelona iyo Real Madrid.

Balse laacibka laacibkii Paris Saint-Germain ayaa qirtay inuu ku fikirayo inuu mar uun ka ciyaaro horyaalka Inigiriiska ee Premier League-ga.

Xiddigga ugu qaalisan kubadda cagta ee Neymar ayaa waxa uu xagaagii 2017 ku biiray laacibkii PSG xilligaas oo uu Barcelona kasoo dhaqaaqay, balse waxa uu noqday mid si aad ah loola xiriiriyo inuu ku laaban doono horyaalka La Liga.

Benjamin Mendy oo ka tirsan Manchester City ayaa Neymar barta YouTube ku weydiiyay inuu usoo dhaqaaqi karo horyaalka Ingiriiska.

Xiddigga reer Brazil ayaana ku jawaabay inay macquul tahay inuu ka ciyaari karo horyaalka Premier League.

Mendy ayaa weydiiyay Neymar: “Ma kula tahay inaad mar uun horyaalka Ingiriiska ka ciyaari doonto?”

Xiddiggii hore ee Barca ayaa ku jawaabay: “waa tartan weyn, mid ka mid ah kuwa dunida ugu weyn.

“Ma garaneyno waxa berri dhici doono, balse waxaan aaminsanahay in ciyaaryahan walba oo weyn, ugu yaraan hal maalin, ay tahay inuu ka ciyaaro Premier League”.

Inkastoo uu carrabka ku dhuftay inay macquul tahay ka ciyaaristiisa Premier League-ga haddana kama aysan dhignayn inay tahay go’aankiisa kama dambeysta ah.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII