LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Isco Oo Ogolaaday Inuu Heshiis Cusub Saxiixo, Mushaarkiisa & Lacagta Lagu Jabin Doono Heshiiskiisa Oo Ka Badan Midda Lionel Messi.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay iney ka dhaadhiciso Isco Alcaron inuu saxiixo heshiis cusub oo laacibkii kusii heyn kara ilaa 2022, balse lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa ayaa ah mid waali ah sida ay ilo ku dhaw laacibkii u xaqiijiyeen wargeyska AS.

Xidigaan heerka caalami wuxuu madaxa la galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaska uu kula jiro Real Madrid, balse haatan wuxuu diyaar u yahay inuu noloshiisa farta sano ee soo aadan u hibeeyo laacibkii ka dhisan caasimadda.

Isco Alcaron wuxuu sanadkii qaadan doonaa aduun dhan 6 Malyan oo Euro taasoo ka dhigan inuu ka mid noqon doono xidigaha meel dhexaadka ah ee Madrid mushaaraadka fiican ka qaata, sidoo kalana heshiiskiisa wuxuu leeyahay dooq uu hal sano ugu darsan karo.

Heshiiska ay labada dhinac gaareen waxaa lagu sheegay in xidigaan qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa laga dhigay 700 Malyan oo Euro taasoo ka dhigan in heshiiskaas uu ka badan yahay lacagaha lagu jabin karo heshiiska Messi.

Real Madrid waxey dooneysaa iney ka badbaado wixii qabsaday Paris Saint Germain markaas oo 222 Malyan oo Euro looga qaatay Neymar Junior waana heshiis liddi ku ah kooxaha ay leeyahiin dowladaha carbeed.

“Ma jiro ciyaariyahan ka tirsan Madrid oo lagu jabin karo heshiiskiisa wax ka yar 500 Malyan oo Euro” ayuu shaqsi u dhaw laacibkii u sheegay AS. “Xerada Castilla waxaa laga helayaa ciyaartoy lagu jabin karo heshiiskooda 300 Malyan oo Euro”

25-jirkaan heshiiska wuxuu ogolaaday inuu saxiixo bishii July balse wali laguma dhawaaqin iyadoo la filayo in bishaan gudaheeda lasoo bandhigo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII