LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Inuu La Barbardhigay Ferguson, Sida Uu Xirfadiisa Iyo Shaqsi Ahaan U Hormariyay & Antoine Griezmann Oo Ka Faallooday Diego Simeone.

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa aaminsan in Diego Simeone uu wax badan ka badalay muuqaalka taariikh ahaaneed ee laacibkii Atletico Madrid iyo sidoo kale muuqaalkiisa nolol iyo ciyaariyahan ahaaneed.

Diego Simeone ayaa finalkii afaraad ee tartamada yurub u hogaamiyay tan iyo markii uu la wareegay talada kooxdaan, waxeyna caawa kooxdisa magaalada Lyon kula ciyaareysaa laacibkii Marseille kama dambeysta tartanka Europa League.

Simeone oo talada kooxdaan loo dhiibay sanadkii 2011 wuxuu laacibkii u qaaday sanadkii 2014 horyaalka La Liga, sidoo kalana laba jeer ayey tiigsadeen finalka tartanka UEFA Champions League.

Sanadkii 2012 wuxuu laacibkii u qaaday koobka UEFA Europa League iyadoo sanadkaas loo magacaabay macalinka ugu fiican dunida.

Si kastaba Antoine Griezmann ayaa aaminsan in waxqabaka uu Simeone ka sameeyay caasimadda ay la mid tahay middii uu Ferguson ka qabtay Red Devils.

“Waxa ‘el Cholo’ [Simeone] u sameeyay kooxdaan waa taariikh” ayuu yiri Griemann oo la hadlayay saxaafadda.

“Waxey inyar isoo xasuusisaa Ferguson iyo wixii uu ka sameeyay Man United”

Sidoo kale Antoine Griezmann wuxuu ka dhawaajiyay inuu Atletico ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida waqtigaan isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu dhinaciisa ahaado.

Iyadoo ay jirto in si aad ah loola xiriirinayo laacibkii Barcelona hadana wali wuxuu qirayaa in Simeone uu dhan walba ka hormariyay isaga.

“Wuxuu iga dhigay mid korriimo u sameeya shaqsi ahaan iyo heerka xirfadlenimo” ayuu yiri Antoine Griezmann.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII