LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Inter Milan Oo Saxiixa Radja Nainggolan Ka Dhiganeysa Maqaalintii Ay Kusoo Dabi Laheyd Antonio Conte.

Warbixino ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Inter Milan ay u dhaqaaqeyso soo xerogalinta burburiyaha reer Belgium iyo laacibkii Roma Radja Nainggolan si ay si sahlan ugu hesho tababare Antonio Conte.

Xidigaan reer Belgium waa kan uu mar walba doorbido tababaraha Chelsea Antonio Conte, isagoo isku dayay inuu lasoo saxiixdo maalmahiisii Juventus iyo maalmahiisa haatan ee Stamford Bridge – Tuttosport ayaana ku warameysa in sidaas darteed Inter Milan ay u dhaqaaqeyso saxiixa 29-jirkaan.

Roma waxey u baahan tahay iney lacageheeda sare u qaado si ay uga badbaado ciqaabta xeerka dhaqaale wanaaga iyagoo doorbidaya iney qiimo u dhaxeeya 50 ilaa 60 malyan oo Euro ku iibiyaan Nainngolan.

Ever Banega ayaa laga yaabaa inuu heshiiska qeyb ka noqdo madama 28-jirka reer Argentina uu waqtigii Sevilla lasoo shaqeeyay agaasimaha ciyaaraha As Roma Monchi.

Si kastaba Inter Milan oo aan wali ka quusan helitaanka Antonio Conte ayaa aaminsan iney saxiixa Radja Nainngolan ku heli karto macalinkii hore Juventus.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII