LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Immisa toddobaad ayuu Courtinho ka maqnaanaya garoomada?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Subaxnimadii maanta, laacibkii kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku dhowaaqday inuu dhaawac soo gaarray laacibkeeda Philippe Coutinho.

Laacibka reer Brazil ayaa waxaa ka xanuunsanayaa dhaawac kasoo gaarray muruqa lugtiisa bidix, waxaana uu seegayaa ciyaaraha xulalka qaranka ee soo aaddan iyo kullanka ugu soo horreeyo ee ay Barcelona ciyaareyso.

Barca ayaa Axadda soo aaddan kullan ka tirsan La Liga waxa ay la qaadaneysaa laacibkii Real Betis, waxaana ay billaw u tahay kullamada uu seegayo Coutinho.

Macallin Ernesto Valverde ayaa ku qasban inuu sameysto saf xooggan isagoo ay ka maqanyihiin xiddigo muhiim ah sida Philippe Coutinho iyo Lionel Messi, walow la filayo in Captain Messi uu soo laabto.

Xiddigaha kala ah Malcom iyo Ousmane Dembele ayaa noqonaya kuwo diyaar u ah inay buuxiyaan booska Coutinho.

Malcom ayaa kullankii xalay ee Inter Milan gool dhaliyay waxaana uu dareemayaa inuu wax badan caawin karo.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII