LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

HT – Barcelona oo si lama filaan ah afar gool qeybta hore ku marisay kooxda Celta Vigo kulanka lugta labaad ee Copa del Rey

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Barcelona ayaa si lama filaan ah qeybta hore ciyaarta afar gool uga dhalisay Celta Vigo kulan ka tirsan wareega 16-ka Copa del Rey, waxaana goolasha kala qeybsaday Lionel Messi, Luis Suarez iyo jordi Alba.

Barcelona ayaa bilowday bandhigga goolasha markii uu Lionel Messi kubad qurux badan shabaqa gaarsiiyay, Jordi Alba ayaa dhinac kasoo caawiyay, wuxuuna si dhul ku dhufasho ah ugu aadiyay goolka taasoo keentay inuu goolhayaha badbaadin waayo.

Laba daqiiqo kadib mar kale ayuu Lionel Messi shabaqa gaaray, kubad hal iyo laba ah ayuu la ciyaaray Jordi Alba, mar kale ayuuse lugta bidix si tartiib ah ku dhaliyay gool.

Jordi Alba ayaa dhaliyay goolka sadexaad ee ciyaarta, wuxuu caawinaad meel aan la maleysan karin ah ka helay Lionel  Messi, si cajiib ah ayuuna u dhameystiray.

Goolka afaraad ee Barcelona waxaa caawintiisa lahaa Sisto oo ka tirsan Celta Vigo kubad uu goolhayaha u baasay waxaa dhexda ka qabsaday Suarez oo gool u badalay.

Qeybta dambe ayaa la sugi doonaa iyo wixii ay la yimaadaan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII