LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

HORDHAC: Roma vs Shakhtar Donetsk- Kooxda Reer Ukraine Oo 7 Sanno Kadib Rajo Ka Leh Quarter-finalka UCL

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii Roma Eusebio Di Francesco ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxdiisa dib ugu soo laaban karto kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Shakhtar marka uu caawa Stadio Olimpico ku wajahayaan laacibkii Ukraine.

Kooxda Shakhtar ayaa indhaha ku heysa in ay gaarto wareega quarter-finalka tartanka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2011kii.

Tababare Di Francesco ayaa ku adkeeyay ciyaartoydiisa in ay iska ilaaliyaan natiijo lamid ah tii lugtii hore ee ka dhacday dalka Ukraine.

GAROONKA: Stadio Olimpico

SAACADA: 10:45 PM

Daafaca Rick Karsdorp ayaa wali ku maqan dhaawac muddo dheer ah mana soo laaban doono ilaa bisha soo aadan.

Daafaca Shakhtar Sergiy Kryvtsov, ayaa lagu qasbay inuu dhaawac kaga baxo kulankii lugtii hore, waxaana weli uu la tacaalayaa dhaawaciisa.

Labada koox majiro dhaawac ama ganaax kale oo dheeraad ah oo ay wajahayaan ka hor kulankooda caawa.

Shakhtar Donetsk ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan oo ay ka horyimaadeen Roma tartanka Champions League.

Roma ayaa laga saaray dhamaan afartii kulan ee Champions League ugu dambeeyay oo laga badiyay lugta hore.

Kooxda ka dhisan Ukraine ayaa dooneysa inay gaarto wareega quarter-finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII