LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

HORDHAC: Man Utd vs Sevilla- Red Devils Oo Isha Ku Heysa Quarter-final-ka Champions League

Manchester United ayaa martigelin doonta Sevilla caawa lugta labaad ee wareega 16ka tartanka Champions League.

Barbaraha 0-0 ayay ku dhamaatay lugtii koowaad ee wareega 16ka, United oo hal kulan kaliya looga badiyay garoonkooda xilli ciyaareedkan ayaa ah laacibkii ugu cad cad kulankaan.

Sevilla oo Europa League kusoo guuleysatay sannadihii 2013-14-2015-16 ayaa dooneysa in ay gaarto wareega sideed dhamaadka Champions League.

Laakiin Vincenzo Montella iyo kooxdiisa ayaa u baahan barbaro 0-0 kabadan si ugu yaraan ay usoo baxaan.

GAROONKA: Old Trafford  

SAACADA: 10:45 PM

Paul Pogba ayaa seegay kulankii United 2-1 kaga badiyeen Liverpool dhamaadkii Isbuucaan, waxaana uu awoodi waayay inuu tababar la qaato asxaabtiisa laacibkii Isniintii.

Tababaraha United ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial uu diyaar u yahay kulankaan, halka Jesse Lingard ganaax hal kulan ah ku maqnaan doono haddii uu jaale qaato.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Jesus Navas ayaa seegi doona safarka Old Trafford sabab la xiriirta dhaawac, halka Sebastien Corchia uu sidoo kale diyaar u yahay kulankaan.

Miguel Layun ayaa shaki laga qabaa, laakiin Simon Kjaer ayaa qarka u saaran inuu kusoo laabto line-upka.

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 9kii kulan ee ugu dambeyay Champions League oo ay ka horyimaadeen kooxaha Isbaanishka .

Boqolkiiba 70 ka mid ah kooxaha lugta hore ee wareega 16ka Champions League 0-0 gala lugta labaad ayay ugudbayeen.

Manchester United ma aysan dhalin wax hal gool 15-kii kulan ee ugu dambeyay Champions League oo ay la ciyaareen kooxaha Isbaanishka.

Sevilla ayaan waligood ku guuleysan kulan Champions League ah oo ay la ciyaarayaan kooxaha England , iyadoo barbaro lasoo gashay Liverpool xilli ciyaareedkan.

Man Utd: De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; Matic, McTominay; Mata, Lingard, Alexis; Lukaku.

Sevilla: Rico; Mercado, Kjaer, Lenglet, Escudero; N’Zonzi, Banega; Sarabia, Vazquez, Correa; Luis Muriel.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII