LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Hordhac: Man City vs Napoli – Guardiola vs Sarri – Aguero Oo Soo Laaban Kara & Marek Hamsik Oo Rajeynaya Inuu Guul Ka Keeno Etihad.

Manchester City ayaa soo dhaweyneysa Napoli iyadoo labada kooxood ay leeyahiin ujeedooyin kala duwan madama ay labada dhinac marxalado kala duwan ku bilowdeen kulamadooda Champions League.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa raadinaya guushoodii sadexaad ee tartanka, halka Napoli ay baadi goob ugu jirto guushii labaad ee Champions League.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs SSC Napoli

Tartanka: Champions League (Week 3)

Garoonka: Etihad Stadium.

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Antonio Mateu (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Manchester City: Sergio Aguero ayaa dib ugu laabanaya Citizens, waxaana layaab noqotay in xidigaan uu durba kusoo laabtay garoomada isagoo kursiga keydka soo fariistay kulankii Stoke City.

Vincent Kompany ayaa wali shaki la galinayaa inuu ciyaaro madama uu canqawga ka dhaawacan yahay, ma uusan tababaran isniintii halka Mendy uu wali ku jiro xaaladii soo kabsashada.

Napoli: Dhanka kale Marucio Sarri ayaa nasiyay dhawr ciyaarto kulankii ay guusha ka gaareen As Roma, waxaa ka maqnaan doona kaliya Arkadiusz Milik iyo Lorenzo Tonelli.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City iyo Napoli hal jeer ayey waayahooda isku arkeen tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2011/2012 ayeyna noqdeen kuwa ku wada jira hal group. laacibkii talyaaniga ah wax guuldaro ah lama kulmin barbaro ayaa lagu kala baxay kulankii Etihad [1-1] halka kulankii San Paolo 2-1 ay guul ku gaartay Napoli.

Napoli waligeed guul kuma soo gaarin ciida Ingiriiska dhamaan tartamada oo dhan, lix jeer oo ay horay u booqdeen 5-guuldaro iyo 1-barbaro ayey la kulmeen 15-gool ayaa laga dhaliyay, halka ay dhalisay kaliya 3-gool.

Manchester City loogama adkaan gurigeeda 10-kii kulan ee ugu dambeeyay Champions League oo ay gurigeeda ku ciyaartay, waana rikoorkii ugu dheeraa oo ay sameysow waayaheeda tartankaan., sanadkii 2015 ayey guuldaro kala kulantay Juventus – markaas ayaana ugu dambeysay in looga adkaado Etihad.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester City:

Ederson; Walker, Stones, Otamendi; Danilo, Fernandinho, Silva, Sane; De Bruyne, Jesus, Aguero

Napoli:

Reina; Chiriches, Albiol, Hysaj, Ghoulam; Allan, Jorginho, Hamsik; Giaccherini, Mertens, Insigne

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII