LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

HORDHAC: Basel vs Man City- Markii Ugu Horreysay Labada Koox Oo Ku Kulmaya Champions League

Kooxda heysata horyaalka Swiss ee Besel, oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka dalkeeda, ayaa wajaheysa tartan adag marka ay caawa la ciyareyso Manchester City.

Manchester City waxay si awood leh kaga soo baxday wareega group-yada Champions League, iyagoo 16 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa Premier League.

Sidaasi darteed, Pep Guardiola ayaa awood u leh inuu soo bandhigo mid kamid ah ciyaaraha ugu sareeya marka uu caawa usafrayo laacibkii FC Basel.

Tababaraha reer Catalan ayaa kusoo daray safkiisa weerarka Sergio Aguero oo afar gool ka dhaliyey sabtidii laacibkii Leicester City, iyadoo Gabriel Jesus uusan weli dhaawac kasoo laaban.

Basel oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee Swiss Super League ayaa shan dhibcood ka dambeeya laacibkii Young Boys, taasoo kasoo kabatay guuldarradii gurigeeda kaga soo gaartay Lugano markii ay sabtidii garaaceen laacibkii FC Thun.

Waxay doonayaan inay si adag ula ciyaraan laacibkii Manchester City kulanka ay kusoo booqaneyso St. Jakob Park.

GAROONKA: St. Jakob Park

SAACADA: 10:45 PM

Raphael Wicky ayaa ka maqan laacibkii Basel, xiddiga qadka dhexe ee daafaca Luca Zuffi ayaa sidookale shaki laga qabaa xaaladiisa, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland uu la dhibtoonayo dhaawac.

Goolhaye Germano Vailati ayaa weli la tacaalaya dhaawac uu muddo dheer kaga maqnaa kooxdiisa.

Gabriel Jesus oo ka dhaawacan jilibka, Benjamin Mendy iyo Leroy Sane oo labaduba dhaawacan ayaa seegi doona kulanka caawa.

David Silva ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa ka dib markii uu seegay kulankii Sabtidii kooxdiisa ka badisay Leicester.

Dib u soo noqoshada John Stones ayaa war wanaagsan u ah City, halka Phil Foden uu tababarka la qaatay ciyaartooyda Sky Blue.

Natiijada sawirka Basel Champions League

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah oo dhexmara kooxaha Basel iyo Manchester City.

Basel ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku wajahday kooxaha ka dhisan Ingiriiska tartanka Champions League.

Manchester City ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen wareega isreebreebka Champions League.

Weeraryahanka Basel Dimitri Oberlin ayaa dhaliyay afar gool shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu kasoo muuqday tartanka Champions League.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay afar gool shan kulan oo uu ka ciyaaray Champions League xilli ciyaareedkan.

Basel: Vaclik; Lang, Suchy, Balanta, Petretta; Xhaka, Die; Stocker, Elyounoussi, Bua; Van Wolfswinkel

Man City: Ederson; Walker, Laporte, Otamendi, Danilo; De Bruyne, Fernandinho, Gundogan; B. Silva, Aguero, Sterling.


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII