LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Halyeygii Bayern Munich Ee Lothar Matthaus Oo Bahdilay James Rodriguez iyo Ciyaartooyo Kale Oo Uu Ku Eedeeyey Isla Weyni

Halyeygii hore ee laacibkii kubadda cagta waddanka Germany ee Bayern Munich ee Lothar Matthaus ayaa ka hadlay dhibaatada haysata naadigiisii hore oo guul-darrooyin xidhiidh ah ka keenay kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka iyo tartanka Champions League.

Lothar Matthaus waxa uu si adag ula hadlay xiddiga amaahda kaga maqan Real Madrid ee James Rodriguez oo bilaabay kacdoon uu kaga soo horjeedo tababare Kovac, hase yeeshee waxa uu iyagana kabaha la dulmaray Lewandowski, Robben iyo Ribery oo uu tibaaxay inay iskala weyn yihiin Bayern Munich.

“Waxa jira ciyaartooyo badan oo moodaya inay kaligood ku dhisan tahay Bayern Munich. Waxa jira ciyaartooyo badan oo kaligood iska fikiraya. Ciyaartooyada sida James iyo Lewandowski waxay naftooda ka sarraysiiyaan laacibkii; Robben iyo Ribery sidoo kale. Mid wuxuu ku andacoonayaa inaanu waqti badan ciyaarin, mid in aanu kubbad ku filan helin, mid kalena wuxuu habaartamaa marka la beddelayo amaba warbaahinta horteeda ayuu ka ooyaa. Ciyaartooyada qaar ayaa si jaahilnimo iyo ixtiraam darro ah ula dhaqma tababaraha, laacibkii iyo ciyaartooyada kaleba.” Sidaas ayuu yidhi Lothar Matthaus.

James Rodriguez ayaa uu weerarka ugu adag ku qaaday Matthaus, waxaana uu yidhi: “James waxa uu ka cadhaysan yahay Kovac garbaha kama saaro gaccmaha sidii uu Heyneckes samayn jiray oo kale, taas macnaheedu maaha inaad inuu si aan habboonayn uga falceliyo.”

Bayern Munich ayaa heshiis amaah ah oo laba sannadood ahaa kaga soo qaaday James Rodriguez laacibkii Real Madrid oo boos joogto ah laga siin waayey, waxaana tan iyo markaas uu muujiyey inuu yahay laacibkii tayo leh oo ay ahayd in waqti fiican la siiyo, hase yeeshee xili ciyaareedkan intii tababare Kovac uu xilka qabtay ayaa uu sameeyey kacdoon iyo qaab ciyaareed liita, taas oo keeni karta in kooxdu ka fikirto sidii ay dib ugu diri lahayd naadigii ay kasoo qaadatay, iyadoo uu meesha ka baxayo doorashadii ahayd inay heshiiska amaahda ah u beddeli karayaan rasmi.

Sidoo Kale Akhri:  James Rodriguez Oo Weerar Lagu Ciqaabi Karo Ku Qaaday Macalinkiisa Niko Kovac: “Halkaan Maahan Eintracht Frankfurt”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII