LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Halyeyga Man United Gary Neville Oo U Dabaal Dagay Soo Laabashadii Arsenal & Walaalkiis Phil Neville Oo Ku Camirtay.

Halyeyga Manchester United Gary Neville ayaa u muuqday mid si weyn ugu faraxsan natiijada ay Arsenal ka heshay kulankii Leicester City isagoo la dabaal dagay qaar ka mid ah ciyaartoyda laacibkii Gunners xilli uu gudanayay shaqadiisa falanqeeyanimo.

Daafacii hore Red Devils & qaranka England ayaa la arkayay isagoo u hambalyeynaya xidigii uu kusoo maamulay Valencia ee Shkodran Mustaf iyo sidoo kale wiilkii hore United Danny Welbeck markii Arsenal 4-3 guul ah ka gaartay Leicester City ciyaar soo laabasho aheyd.

Phil Neville oo ah walaalka Gary ayaa barta twitter-ka ugu camirtay isagoo soo dhigay sawirka uu la dabaal dagayo Mustafi wuxuuna kusoo qoray: “Waxaa tahay Gooner hadda – GNev2”

Gary Neville wuxuu waayahiisa kubadda cagta ku qarash gareeyay Gunners wax qarsoonna maahan inuu taageero u yahay Red Devils, balse wuxuu aad ula dhacay qaab ciyaareedka laacibkii Gunners ay soo badhigtay maalintii furitaanka Premier League.

Kulankii furitaanka Premier League-ga wuxuu ahaa mid cajiib badan 7-gool ayaana la iska dhaliyay iyadoo la xasuusto kulankii furitaanka xilli ciyaareedkii hore Arsenal  garoonkeeda Emirates Stadium la isaga dhaliyay 7-gool balse markaas iyadaa qasaare kala kulantay Liverpoo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII