LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Halyey Paolo Maldini Kooxdee Ayuu Ku Biiri Laha Hadii Uu Ka Tagi Lahaa Ac Milan? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Halyeeygii hore laacibkii Ac Milan iyo qaranka Italy Paolo Maldini ayaa shaaca ka qaaday laacibkii uu ku biiri lahaa hadii uu go’aansan lahaa inuu isaga tago laacibkii uu waayahiisa iyo noloshiisa u hibeeyay ee Rosanerri.

Paolo oo ku sugnaa San Siro intii u dhaxeysay 1985 ilaa 2009 ayaan waligiis ku hamin inuu ka dhaqaajiyo laacibkii Milan, balse isagoo wareysi siinayay RMC Sport ayuu ka dhawaajiyay laacibkii uu ku biiri lahaa hadiiba ay dhici laheyd inuu hayaamo.

“Hadii aan u ciyaari lahaa koox kale, waxey noqon laheyd Real Madrid” Ayuu yiri kabtankii hore qaranka Azzurri Paolo Maldini.

“Mar walba waxey iila muuqatay aniga inaan Real Madrid ay tahay koox aan inta badan jeclahay sida Milan”

Dhanka kale Paolo ayaan qoomamo ka joogin inuu waqtigiisa siiyay Milan, 24-xilli ciyaareed ayuuna xirnaa maaliyada laacibkii ka dhisan San Siro.

Mudadiisa Milan wuxuu ku guuleystay shan koob oo yurub ah & 7 horyaal oo Serie A-da ah.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII