LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Halyeeygii Hore Argentina Hernan Crespo Oo Ka Careysiiyay Jamaahiirta Inter Milan Ka Hor Kulanka Derby d’Italia.

Halyeeygii hore reer Argentina Hernan Crespo ayaa ka careysiiyay jamaahiirta Inter Milan kadib markii uu fikirkiisa ka dhiibtay kulanka habeen dambe ka dhici doona magaalada Turin, waxaana fooda is dari doona labada kooxood ee Bianconerri iyo Nerazzurri.

Kooxda ka dhisan San Siro ayaa soo booqaneysa guriga laacibkii ay xifaaltamaan iyadoo 11-dhibcood kor u fiirineysa hogaamiyayaasha horyaalka, waxeyna u baahan yahiin iney guuldaro ka badbaadaan si ay u nooleeyaan rajadooda horyaalka.

Iyadoo ay sidaas tahay Hernan Crespo oo mar soo xirtay maaliyadda Nerazzurri ayaa aaminsan in laacibkii Juventus ay tahay midda ugu cad-cad Scudetto, isagoo waliba si adag ula hadlay jamaahiirta kooxdisii hore.

“Jeclow ama ha jeclaan, Juventus waxey ku bilaabatay sida iney tahay laacibkii ugu cad-cad” ayuu yiri isagoo la hadlayay Inter Tv.

“Inter waa koox aan caadi aheyn, wax walba ayaa dhici kara, waxeyna soo bandhigtay kulamo badan sanadkaan iyo iney guuleystaan gabagabada”

Sidoo kale Crespo wuxuu aaminsan yahay in Inter Milan ay dhaawici karto Juventus.

Dhanka kale laacibkii Luciano Spalletti waxey ku jirtaa xaalad adag marka laga hadlo Champions League iyo sida ay ugu soo bixi karto wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII