LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Halyayga Arsenal Ee Ian Wright Oo Soo Doortay Xidiga Xili Ciyaareedkan Ugu Fiican Horyaalka Premier Leaque, Kevin De Bruyne? Mohamed Salah? Mise Eden Hazard

Khabiirada kubbada cagta ayaa inta xili ciyaareedka lagu jiro waxay qiimeeyaan ciyaartoyda ay u karkaan in ay ku guulaysan karaan abaal marinta Premier Leaque ugu qaalisan ee xidiga xili ciyaareedka ugu fiican waxaana haddaba jira ciyaartoy dhawr ah oo qaatay doorka in ay yihiin kuwa ugu cad cad ee abaal marintan ku guulaysan kara.

Khabiirka kubbada cagta ahna halyaygii hore ee laacibkii Arsenal ee Ian Wright ayaa ka hadlay xidigaha xili ciyaareedkan ugu fiican horyaalka premier Leaque wuxuuna si gaar ah u magacaabay xidiga ilaa hadda ah ugu cad cad ku guulaysiga abaal marinta xidiga horyaalka Premier Leaque ugu fiican.

Ian Wright ayaa sheegay in Kevin De Bruyne uu yahay mid layaableh isla markaana uu jecel yahay balse Mohamed Salah uu ilaa hadda yahay xidiga ugu cad cad ee xili ciyaareedkan ku guulaysan kara abaal marinta ciyaartoyda sanadka ee Premier Leaque ugu fiican.

Liverpool ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay Mohamed Salah kala soo wareegtay laacibkii Roma waxayna Reds xidiga ree Masar ka soo bixisay  £36.9 milyan euros isaga oo ah xidiga labaad ee taariikhda suuqa kala iibsiga Liverpool ugu qaalisan waxaana ka qaalisan oo kaliya Naby Keita oo aan wali Anfield soo gaadhin.

Halyayga Arsenal ee Ian Wright oo ka qayb galayay dooda Sky Sports ee  ‘The Debate Show’ ayaa yidhi: ” De Bruyne waa mid layaableh isla markaana anigu waxaan jecelahay Eden Hazard. Aniga ahaan ilaa hadda xili ciyaareedkan, Mo Salah wuu ifayaa ee qaabka uu uga soo laabtay Chelsea ilaa Roma ee uu halkan ugu soo laabtay iyo qaabka uu isagu u ciyaarayo”.

Ian Wright oo Mohamed Salah ka hadlaya ayaa yidhi: ” Marka aad eegto bilawgii xili ciyaareedka isagu wuxuu lumiyay fursado fiican, hadda kuwo badan ayuu qaadanayaa isla markaana isagu kulan kasta wuu sii fiicnaanayaa. Aniga ahaaan waqti xaadirkan isagu De Bruyne wuu ka saaray”.

Mohamed Salah ayaa la filayaa in uu caawa ku soo bilaaban doono shaxda Jurgen Klopp ee kulanka heerka Groupyada Champions Leaque ugu danbeeya iyada oo Reds soo dhawaynaysa laacibkii Spartak Moscow waxayna haddaba Reds qarka u saaran tahay in ay qayb ka noqoto kooxaha wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque u soo baxay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII