LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Gary Neville 1-0 Man City: Halyayga Man United Ee Gary Neville Oo Ka Hor Kulanka Manchester Derby Si Xun Ugu Maadsaday Manchester City.

Khabiirka Sky Sports ahna halayaygii hore ee Manchester United ee Gary Neville ayaa si xun dhulka u jiid-jiiday taageere laacibkii Manchester City ah ka hor kulanka Manchester Dery isaga oo Gary Neville si aan wayn ugu maadsaday Manchester City. Iyada oo aduunka oo dhan si wayn looga sugayo saamaynta kulanka Manchester Derby ayuu Gary Neville haddaba 1-0 ku sii garaacay Manchester City.

Markii uu Sky Sports shaaciyay in Gary Neville uu qayb ka yahay khabiirada falanqayn doona kulanka Manchester Derby isla markaana ay garabkiisa fadhiisan doonaan  Thierry Henry, Jamie Carragher yo Graeme Souness ayuu taageere Manchester City ahi cadho kaga jawaabay in aanu Sky Sports liiskan ku soo darin ciyaartoy hore oo Manchester City ah si uu doorkiisa uga qaato kulanka Manchester Derby.

Laakiin Gary Neville ayaa taageerahan iyo waliba kooxdiisa Manchester City israaciyay isaga oo ugu maadsaday in Sky Sports aanu heli karin ciyaartoy hore oo Manchester City ka soo ciyaaray oo koobab ku soo guulaystay si uu raggan u soo agfadhiisto wuxuuna waliba sii raaciyay in cida kaliya ee ay heli karaan tahay halyaygii Oasis isla amrkaana ah wariye Sky Blues ee Noel Gallagher kaas oo uu sheegay in aanu wax kale u guulaysan balse uu hal mar ku guulaystay timo xiirashada ama timo jarashada ugu fiican!.

Taageeraha Manchester City ee dhibta doontay isla markaana kooxdiisa sababta ugu noqday in Gary Neville uu ku sii maadsado ayaa isaga oo ka cadhaysan khabiirada kulanka Manchester Derby ka falan qayn doono Sky Sports wuxuu twitterka ku soo qoray: “Ha alla maxay kaftan tahay. Hela ciyaartoy hore oo Manchester City oo dhab ah. Sky wuxuu u tagay Eyda”.

Gary Neville ayaa isna bartiisa twitterka ugu jawaabay taageerahan ka cadhaysan in Manchester City aanu xidig hore u fadhiyi doonin Sky Sports isla markaana uu diidan yahay wariyaaha Sky Blues ee Noel Gallagher uu qayb ka nodqdo oo uu doorkii ciyaartoyda hore qaato wuxuuna Neville yidhi: “Anagu ma heli karno ciyaartoy hore oo City ah kaas oo wax ku guulaystay. Noel waxa uu hal mar ku guulaystay timo xiirashada ama timojarashada sanadka, sidaa daraadeed, waa waxa ugu fiican ee aanu heli karnay!”.

Manchester City ayaa Old Trafford iskeenaysa iyada oo 8 dhibcood ka horaysa dariskeeda Manchester United waxayna laacibkii Guardiola ahayd kooxdii ugu danbaysay ee Manchester United garoonkeeda ku soo garaacday 40 kulan ka hor, laakiin kulanka axada ayaa noqon doona mid saamayn buuxda u yeelan kara halka uu tartanka Premier Leaque u jeedsan doono.

Manchester City ayaa 174 kulan oo tartan ah ka hor timid dhigeeda Man United iyada oo Red Devils 72 jeer soo guulaystay laakiin xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay Man United ayaa dhibaato badan kala kulmaysay dariskeeda Sky Blues.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *