LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Faloob horay ugu soo fashilmay Arsenal oo Neymar ku garaacay abaalmarinta Xiddiga bisha horyaalka France!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Faloobkii laacibkii Arsenal Mathieu Debuchy ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay heer ciyaareedkiisii ugu sarreeyey weliba waxaa lagu abaalmariyey Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Faransiiska bishii Febraayo (Ligue 1 Player of the Month award) isagoo hanashada abaalmarintaan ku garaacay Neymar JR.

32 sanno jirkaan reer France ee ka ciyaara daafaca dambeedka midig, ayaa ka tegay laacibkii Arsenal ka dib markii qandaraaskiisa la kansalay bishii Jannaayo ee horraantii sannadkaan, wuxuuna ku biiray laacibkii St Etienne.

Mathieu Debuchy ayaana haatan ku guuleystay Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka France bishii February, taasoo ka dhigan in faloobkii hore ee Arsenal uu kusoo laabtay qaab ciyaareedkiisii ugu sarreeyey.

Xiddigaha uu abaalmarintaan ku garaacay waxaa ka mid ah laacibka PSG Neymar iyo goolhayaha laacibkii Montpellier Benjamin Lecomte.

Debuchy ayaa keliya 29 kulan u saftay Arsenal wuxuuna ku qaatay waayo qaraw ah laacibkii ka dhisan FLY Emirates Stadium oo uu uga soo biiray Newcastle United sannadkii 2014kii.

SHARE

Facebook

Twitter

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII