LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

FALANQAYN: Qiimihii Xaflada Abaal Marinaha FIFA Oo Hoos U Dhacay, Su’aalaha Ugu Badan Ee Lays Waydiinayo Ee Aan Jawaabta Loo Hayn, Saamaynta Messi & Ronaldo Iyo Dooda Mohamed Salah.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa magaalada London ku qabtay xaflada sanadlaha ah ee abaal marinaha kubbada cagta aduunka waxaana lagu bixiyay abaal marino tiro badan balse waxay noqotay mid dood badan iyo khilaaf xoogan ka dhex abuurtay jamaahiirta kubbada cagta.

Tan iyo markii ay FIFA iyo majalada France football kala baxeen ee ay FIFA abaal marinteeda u bixisay The Best isla markaana ay France Football dib ula noqotay abaal marinta aduunka ugu qaalisan ee Ballon d’Or waxaa si wayn hoos ugu sii dhacaysa xaflada abaal marinaha FIFA iyada oo ay jiraan sababo badan oo aan qaar ka mid ah soo qaadan doono.

Xafladii London ee ay FIFA qabtay waxay soo saartay jawaabo ka yar inta su’aalood ee lays waydiinayo waxaana jira waxyaabo jaho wareer ku jiray jamaahiira kubbada cagta aduunka. Haddaba shabakada Gool24 ayaa falanqayn ku samaynaysa waxyaabaha xaasaasiga ah ee ku xeernaa xafladii FIFA ee London.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Shan Su’aalood Oo Xaasaasi Ah Oo La Xidhiidha Xafladii abaal Marinaha FIFA ee Magalada London Lagu Soo Gaba Gabeeyay Iyo Faah Faahinta Qodobadan.

5- Maxay Tahay Sababta Uu Mohamed Salah Ugu Jiray Saddexda Xidig Ee Ugu Fiican Ee Uu Haddana Ugu Soo Bixi Waayay Shaxda Kooxda Aduunka Ugu FIican Ee FIFPRO World 11?

Mohamed Salah ayaa ka mid ahaa dhawrkii ciyaartoy ee ka soo qayb galay xafladii FIFA ee magaalada London wuxuuna ku guulaysay abaal marinta goolkii sanadka ee aduunka ugu fiicanee FIFA Puskas Award isaga oo abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee The Best kula tartamayay Luka Modric oo abaal marintan ku guulaystay iyo Cristiano Ronaldo oo xafladan aan ka soo xaadirin.

Laakiin waxay jamaahiirta kubbada cagta aduunku ku wareereen isla markaana ay jawaab u waayeen sababta uu Mohamed Salah ugu jiray musharixiinta saddexda xidig ee aduunka ugu fiican balse uu uga maqnaaday shaxda 11ka xidig ee aduunka ugu fiican.

Waxayna jamaahiirtu iswaydiinaysaa haddii uu Salah ka mid noqday 3 xidig ee Aduunka ugu fiican ee FIFA soo xushay, sidii ugu soo bixi kari waayay 11ka xidig ee aduunka ugu fiican?.

Jawaabta Su’aash Oo Dhan: Ugu horayn waa laba arimood oo gabi ahaanba kala duwan musharaxnimada saddexda xidig ee aduunka ugu fiican iyo ka mid noqoshaha shaxda laacibkii aduunka ugu fiican, waxaana lagu soo kala doortaa codbixin gabi ahaanba kala duwan.

Shaxda laacibkii aduunka ugu fiican waxaa u codeeyay isla ciyaartoyda kubbada cagta waxaana ka qayb galay 25,000 kun oo ciyaartoy oo kala joogay 65 wadan iyada oo ciyaartoy kasta laga doonayay in uu soo doorto 11 xidig, waxaana codbixintan sameeyay ururka ciyaartoyda caalamka ee FIFPRO oo kaashanaya FIFA.

Sidaa daraadeed, 11 ka xidig ee codka ugu badan ka helay dhamaan 25,000 ka kun ee ciyaartoy ee caalamka ayaa shaxdan ku soo baxayay, sidaa daraadeed, Mohamed Salah waxaa looga cod batay shaxda laacibkii aduunka ugu fiican, taas oo la mid ah in 11kii xidig ee codka ugu badan boos kasta ka helay la soo qaatay iyada oo codka ciyaartoydu wax go’aamiyay.

Laakiin musharaxnimada FIFA waxaa go’aamiyay guddi gaar ah oo loo saaray iyada oo markii liiska la soo saaray kadib ay codbixina sameeyeen kabtanada iyo tababarayasha xulalka qaramada aduunka si la mid ah saxaafada iyo jamaahiirta oo mid kastaaba yahay boqolkiiba 25% codbixinta laga sameeyay.

Sidaa daraadeed, shardi ma aha in xidiga saddexda musharax ee abaal marinta aduunka ugu fiicani uu markasta ku soo baxo shaxda laacibkii aduunka ugu fiican, balse marka xaqiiqda laga hadlayo waxa uu Salah u qalmay in uu labadaba ka soo muuqdo.

Halkan hoose Ee Min Bogga 2-aad Ilaa Bogga 5-aad Kaga Boggo Dhamaan Su’aalaha iyo aragtida oo dhamaystran.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *