LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

EPL: Kooxda West Bromwich Albion oo Man United ku garaacday garoonkeeda Old Trafford

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxaha West Bromwich Albion ayaa kulan goordhow soo dhammaaday oo ka tirsan hoyaalka Premier League waxa ay 1-0 uga adkaatay Manchester United oo ku dheeleysay garoonkeeda Old Trafford.

Xiddigaha Man United ayaa ku dooday in Rigoore loo dhigo kaddib markii Ander Herrera lagu jilaafay xerada ganaaxa, balse garsooraha ciyaarta ayaan gool ku laad ku abaal-marin laacibkii Jose Mourinho daqiiqaddii 19’aad.

Labada kooxood ayaa inta lagu jiray 45-ka daqiiqo ee hore kulankan waxa ay isku heleen fursado gool loo filan karay laakiin labada goolhaye ee kooxahan ayaa beeniyey fursadahaas.

Kooxda fadhisa halka ugu hooseysa horyaalka Premier League ee West Brom iyo laacibkii ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka ayaa haatan ku kala nastay barbaro goolal la’aan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta West Bromwich Albion ayaa la timid goolka qura oo ay ciyaarta guusha ku qaadatay waxaana u dhaliyey 73’daqiiqo Jay Rodriguez, kaddib markii uu ka faa’iideystay koorno la soo qaaday oo uu madax ku dhaliyey.

Kooxda ugu hooseysa horyaalka Premier League ee West Bromwich Albion ayaa sidaas laacibkii Man United guul kaga gaartay iyadoo ku sugan garoonkeeda Old Traffrod.

Man City ayaana loo calaamadeeyey caawa inay ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII