LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Eden Hazard Oo Si Dadban Shuruud Adag Ugu Xiray Sii Joogitaankiisa Stamford Bridge – Muxuu Xiddiga Reer Belgium Ka Dalbaday Kooxdiisa?

Garabka Chelsea Eden Hazard ayaa si dadban uga nixiyay jamaahiirta Chelsea kadib markii uu shuruud adag ku xiray sii joogitaankiisa garoonka Stamford Bridge xilli si weyn loola xiriirinayo wali laacibkii Real Madrid.

27-jirka heerka caalami ayaa dib u dhigay inuu saxiixo heshiis cusub oo isbuucii uu ku helayo aduun dhan 300,000 kun oo Pound, wuxuuna sugi doonaa hadii ay kooxdiisa keento ciyaartoy inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Belgium muddo laba sanadood ah ayaa kaga haray qandaraaskiisa laacibkii, balse waxaa si aad ah saxiixiisa u sugaya Los Blancos oo dooneysa iney sameyso saxiixyo Glatico ah.

Eden wuxuu ka dalbaday maamulka Blues iney keenaan ciyaartoy laacibkii lagu xoojiyo si ay ugu tartamaan hanashada horyaalka Premier League.

“Waxaan qaadanayaa wakhtigeyga, waxaan sugayaa ciyaartoy cusub fasalka dambe, waan arki doonaa” ayuu yiri Eden Hazard.

“Waxaan doonayaa ciyartoy, waxaan dooayaa inaan ku guuleysto Premier League.. iyo waxyaabo kale oo badan”

“Waa wax weyn, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan wax badan fakaro” ayuu mar kale yiri Eden Hazard.

Antonio Conte ayaa xagaagii lasoo dhaafay suuqa kasoo iibiyay dhawr ciyaartoy oo uu ka mid yahay Alvaro Morata, mar kale ayuuse Hazard ka dalbanayaa in laacibkii ay sameyso suuqa-gal fiican.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII