LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

DEG-DEG: Tababaaha Qaranka Spain Julen Lopetegui Oo Laga Yaabo In La Ceyriyo Maalin Ka Hor Bilowga Koobka Aduunka.

Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui ayaa laga yaabaa in shaqada ceyriyo maalin ka hor bilaabashada koobka Aduunka, waxeyna sheekadaan daba socotaa go’aankii ay Real Madrid shalay ku xaqiijisay inuu noqonayo macalinka u badalaya Zinedine Zidane.

Madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta Spain Luis Rubiales iyo sidoo kale Julen Lopetegui ayaa saxaafadda la hadli doona maanta oo arbaco ah, waxaana laga hadli doonaa sida ay xaaladda noqon doonto 5-ta isbuuc ee soo aadan hadii la wada joogayo iyo hadii macalinkaan uu shaqada weynayo.

Rubiales wuxuu horay u shaaciyay inuu ka careysan yahay isla markaana aysan aheyn wax la qaadan karo in Los Blancos ay u magacaabaan macalinkooda xiga 21-maalmood kadib markii uu heshiiska u kordhiyay qaranka.

Cabsida heysa xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ah iney kala qeybsanaan ka dhacdo qolka labiska qaranka mudada koobka Aduunka, isla markaana ay habooneyd laacibkii caasimadda ka dhisan ilaa dhamaadka tartanka.

Real Madrid ayaa shalay barteeda twitter-ka ku xaqiijisay in Julen Lopetegui uu yahay macalinka xiga ee badalaya Zinedine Zidane oo si layaab leh laacibkii uga baxay 5-maalmood kadib markii uu u qaaday koobkii 13-aad ee horyaalada yurub.

Si kastaba go’aanka la gaari doona lama oga, balse waxaa laga cabsi qabaa in La Roja uu leyliyo macalin cusub mudada koobka Aduunka.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *