LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

DEG-DEG: Arturo Vidal Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Kadib Fashilkii Chile Ee Koobka Aduunka.

Burburiyaha Bayern Munich Arturo Vidal ayaa isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah isagoo jira 30-sano kadib markii uu qarankiisa [Chile] ku fashilmay inuu usoo baxo koobka Aduunka.

Go’aanka Arturo Vidal waxaa soo dadajiyay kadib markii ay Chile seegeen usoo bixitaanka koobka Aduunka ka dhacaya Russia sanadka soo aadan, difaacdayaasha koobka koonfurta America ayaana guuldaro 3-0 ah ka helay Brazil.

Xidigii hore Juventus, kaas oo qeyb kala noqday Alexis Sanchez – jiilka koobabka u sahlay qaranka markaas oo ay ku wada guuleysteen 2015 iyo 2016 koobka wadamada koonfurta America ee “Copa America” ayaa garwaaqsaday in la joogo waqtigii uu siibi lahaa kabaha qarankiisa.

“Waad ku mahadsan tahiin saaxiibayaal wax walba”

“Dhamaan sanadahii aan wada joognay, in lagu noolaado nolol kulan walba, inaad i barteen sidoo kalana aad wadanka barteen in dadaalka iyo shaqada adag ay wax walba oo nolosha la xiriira sahal ka dhigeyso”

Arturo Vidal wuxuu qaranka Chile u saftay 98-kulan, 23-gool ayuu u dhaliyay waayahiisa, balse wuxuu ganaax ku waayay inuu badbaadiyo kulankii ugu dambeeyay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII