LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

DEG-DEG: Alisher Usmanov Oo Lacag 1.3 Bilyan Dollar Ah Ku Dalbaday In Saamiga Arsenal Uu Kagala Wareego Ninka Saamiga Ugu Badan Ee Stan Kroenke.

Bilyaneerka dalka Ruushka u dhashay ee Alisher Usmanov oo ka mid ah dadka saamiga aan waynayn ku leh laacibkii Arsenal ayaa dalab 1.3 bilyan dollar ah miiska u saaray ninka saamiga ugu badan Arsenal ku leh ee Stan Kroenke si uu u noqodo saamilaha ugu badan ee laacibkii Gunners. Alisher Usmanov ayaa ka mid ah dadka sida wayn u dhaliilsan Stan Kroenke wuxuuna doonayaa in uu la wareego maamulka laacibkii Gunners.

Alisher Usmanov ayaa boqolkiiba 30% ku leh saamiga laacibkii Arsenal wuxuuna hore u dalbaday in sarre uu u qaado lahaasha laacibkii si uu maamulkeeda wax wayn uga badali karo laakiin Alisher Usmanov ayaa waqtiyadii la soo dhaafay laga diiday dalab uu ku doonayay in uu sarre ugu qaado saamigiisa Gunners.

Wargayska Financial Times ayaa hadda shaaca ka qaaday in bilyaneerkan ree Russia ee Alisher Usmanov uu dalab 1.3 bilyan dollar ah oo u dhiganta 1 bilyan gini uu ku doonayo in uu kula wareego lahaanshaha Stan Kroenke kaas oo ay shirkadiisa  Kroenke Sports & Entertainment ay leedahay boqolkiiba 67% saamiga ah laacibkii Arsenal.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in Stan Kroenke aanu doonayn in uu iska iibiyo saamiga wayn ee uu ku maamulo laacibkii Arsnenal. Stan Kroenke ayaa eedayn wayn kula kulmaya hubanti la’aanta mustaqbqlka Arsene Wenger iyo xidigaha muhiimka ah ee Alexis Sanchez, Mesut Ozil iyo xidigha kale ee ay heshiiyadoodu dhacayaan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII