LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Dabaal dagii xalay ay sameeyeen Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri oo ganaax ku muteesan karaan

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Xulka Switzerland waxay 2-1 kaga badiyeen dhigooda Serbia kulan ka tirsanaa Guruub E ayadoo Serbian-ka ay goolka la hor mareen.

Balse Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri ayaa kala direen xulka Serbia kadib markii qaybta labaad ayay min gool ka dhaliyeen.

Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri waxay sameeyeen dabaal deg gadaal laga fahmay inuu fariin siyaasad xambaarsan yahay sidoo kalena FIFA ku ganaaxi karto.

Xhaka marka uu cayaarta 1-1 ka dhigay wuxuu sameeyay dabaal deg uu faraha is dhaafsaday asigoo sameesay astaanta galeyr-ka oo ah calanka Kosovo qaabka uu u egyahay.

Si la mid ah Shaqiri isagana isla qaabkii Xhaka oo kale ayuu u dabaal dagay asigoo fariin caalamka u diraayo in Serbia aqoonsato madax baaninida Kosovo.

Shaqiri waxaa asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa Kosovo sidoo kalena Xhaka isagana Albania ayuu kasoo jeedaa waana labo dal oo colaad la galeen Serbia dhibaato badana ay Serbian-ka u geesteen.

Sidaa darteed Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri waxay ganaax kala kulmi karaan FIFA madaama aan la ogoleyn in kubada cagta siyaasada lagu dhex lifaaqo astaan ahaan ama hadal ahaan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII