LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

DAAWO | X-X Q=23aad-X-X Bilow Ilaa dhamaad Qisada Ronaldo & Qaabkii habeenkii Kufsiga & Decomentry aan ka sameynay…

Kulanti wacan oo wanaagsan daawaydaasheena qiimaha & qadarinta inaga mudan waxaad kusoo dhawaataan xalqadii 23aad ee Xubinta Xaqiiqooyinka xidigaha.

Xubintan oo aad si toos ah ugala socaneysaan Bogeena ayaa maanta waxaanu ku eegi doonaa Xalqada 23aad.

Maantana waxaan ku eegi doonaa Halka uusal dhigan doono Kufsiga lasheegay in Ronaldo uu ku kacay.

Kadib markii Hadal heyntii Xooganeed ka dhalatay bilo kahor Lama Filaankii uu ugu biiray Juventus isagoo ka Yimi Real Madrid Wiilka Madeera Cristiano Ronaldo waxa uu dib ugusoo laabtay halka ugu sareysa Cinwaanada Jaraa’idka kala duwan ee Caalamka sababo ku aadan Tuhunka Jinsiyadeed ee usoo Jeedisay Gabadha Fashionka Sameysa ee Cathrine Mayorca tasoo ku eedeysay inuuku  Kufsaday sanadkii 2009 kii Magaalada Las Vages, Maxey tahay eedamahaasi Maxaase waqtigan kusoo beegay, Dhaawac intee la eg ayey ugeesan kartaa Ninkan reer Madeera , Maxeyse gabadhan u aamusneed Mudadan dheer dhamaan  intaasi & kabadan waxaan wadan Wadajir ugu ogaan doonnaa Muuqaalkan ee Nala Daawo…..
Waa qadiyad Mugdi ah oo Hareysay adeegyada ka baxsan bandhigga garoonka ee Cristiano Ronaldo, Muuqaalkiisa dhaqaale & Tan ganacsi ayaa Meel adag Mareya, waxaana amarku uuka sii daray Markii Naadiga Juventus ay saameysay dhaqaale ahaan sababo ku aadan waxa kudhacay Xidigooda 1aad ee Cristiano.
Imaanshaha Ronaldo Biankoneri ayaa sabab u ahaa sare ukaca dhaqaale ee Kooxda waxaana saami ahaan uu gaaray 1.8 Tobarkii Yuuraba waana qiimihii ugu sareeyey ee Juventus ay Xaqiijiso, Waxaana Boraadeedu ay gaartay 1 Bilyan oo Euro Saameynta Wiilkan darteed, Balse hada markii ay soo shaacbaxday qadiyadan waxa uu hoos udhacday 1.5 taasoo lamacno ah in Naadiga uu qasaaray inkabadan 5 % , Sidoo kale Shirkadda Nike oo Ninkan dacaayadda uwakiilatay ayaa Sheegtay iney siweyn uga Wal walsan tahay halka ayku salgoosan doonto qadiyadda Ronaldo, shirkada ayaa Ninkan sanadkii 2016 lasaxiixay Heshiis Xayeysiis oo inta Noloshiisa ah taasoo lagu qiimeeyey hal Bilyan oo Euro, Kadib markii qadiyan soo shaac baxday Shirkada ayaa Tilmaantay iney si taxadar & Dareen wel wel leh ula lasocon doonto Xaaladda.
Waxbadan kama duwana shirkadda sameysa Filimada lagu Ciyaaro ee EA Sports taasoo Ronaldo uu Hogaamiyo Mid kamid ah Muuqaaladeeda ugu Caansan ee lagu ciyaaro ee FIFA 18 & 19, Sidaadareed Shirkadda ayaa u aragta in Si Mauuliyad kujirto oo Maslaxdeeda uu Ronaldo umaareeyo arinta, Iyadoo Geesta kale Juventus ay Go’aansatay in Sheekada aamusnaan kudhaqdo.
Juve ayaa Hore usheegtay iney siweyn ugarab taagan tahay Ronaldo qoraal lagu daabacay barteeda Twitterkana waxaana lagu Xusay in qadiyadan Waxba aysan ka badaleynin Taageerada & Ixtiraamka uu Ninkan ku leeyahay Qalbiga weyn uu Juve, Sidoo kale Madaxa Xiriirka kubada cagta ee Portugal Fernando Gomes & Tababaraha Xulka Portugal Fernando Santos ayaa doorweyn kaqaatay Qorshaha lagu garab istaagayo Halyeyga reer Portuqees Cristiano Ronaldo & Tababaraha Juventus Masiano Allegri.
Wiilka Reer Madeera ayaa Laftiisa iska difaacay eedda waxaana Mar uuka soo muuqday Muuqaal Live ahaa oo lagu baahiyey bartiisa instigram ka, waxaana uu Yiri ” Tani Waa been abuur gabadhaasi waxa ay Caanimo ku Raadsaneysaa Madaxeyga”.
Hadii aanu rabno inaan Ogaano Tafaasiisha Waxaa Nagu waajib ah inaan dib u eegno 18 bilood kahor gaar ahaan April 2017 markii ay  si hoose u Heshay Jariirada Desh Begal ee Jarmalka, Docoment gaar ah oo Muujinaya dhacdadaasi, Waxaana ay daabacday Warbixin aan Tafaasiil badneyn balse Jawaabta ayaa ka Timid Kooxda  sharciga Ee Ronaldo markaas oo ay Tilaameen i  Majaladu ay sharciga Latiigsanayaan, Walow qormada Jariiradaasi aan Saameyn badan Yeelan sababo ku Aadan Ronaldo oo 3 gool ka dhaliyey Shabaqa Kooxda Bavarianka ee Munchen kadibna Si lamid ah Athletico Madrid waqtigaasi.
Sheekada ayaa degtay wixii taariikhdaasi kadambeeyey balse markale ayey soo laba kacleysay waqti dalka USA Siweyn looga  dhiiragelinayo haweenka Kufsiga loo Geystay, isla markaana ay banaanka ay isasoo dhigaan oo ay kasheekeeyaan Wixii ayla Kulmeen kuwaasi waxaa kamid ah Cathrine Mayorca gabadha 34 jirka ah taasoo go’aansatay iney kashifto Tafaasiisha dhacdadaasi hadal ay siisay Jariirada Des Begal ee Jarmalka laga leeyahay taas ayaa ayku sheegtay in Kulankeedii ugu Horeeyey ee Cristiano Ronaldo uuka dhacay goob lagu Caweeyo oo ku Taala Las Vages sanadkii 2009 taas oo lamacno ah kahor kubiiristii Xidigan Kooxda Los Blancos Real Madrid oo uukunoqday Xidigii ebid ugu qaalisanaa Waqtigaas.
Cathrene Waxa ay Tiri:-
“Waxaan ku Kulannay Waqti hore Maalintii 13 June 2009 kii Goob  lagu caweeyo, Waxaan lasocday Saaxiibteyda oo igeysay dhinaca booqdayaasha Sar sare, Waxaan arkay wiil dhalinyaro ah oo igu soo dhawaaday, Waxa uu igu Yiri ma Iraaceysaa, Aad baan kaaga Helay, Lkn Waan diiday intaa kadib Waxa uu iga dalbaday Taleefankeyga Mana ka diidin, Markii aan ka dhamaanay halkaa Waxa uu isoo diray Fariin oo uu nagu casuumayo aniga & Saaxiibadey Munaasabad ka dhaceysay Las Vages,
Waqtigaas waxaan Xasuustaa Hadalka Saaxiibadeyda ee ahaa soo bax aan halkaasi kusoo galnee sawiro Qurux badan kadiba aanka soo tagno, Ronaldo waxa uu Iga dalbaday Inaan lasoo galo Barkada dabaayasha, Waan ka diiday anoo kabaqaya in dharkeyga ay biyaha gaaraan
Waxa uu iisoo jeediyey inaan dhar kale xirto isagoo ii tilmaamay goob dharka lagu badasho taas oo aan aaday intaasi kadib Ronaldo ayaa si lama filaan ah iigu soo galay waxaana uu iga dalbaday Ficil Jinsiyadeed waana ka diiday, balse muusan iga istaagin waana igu soo socday Waxa uu iga dalbaday inaan hab siiyo si uu iiga Tago Waana Siiyey Lkn Waa I xoogay”.
Cathrene oo Hadalkeeda sii wadata ayaa Tiri :- ” Intaa wixii ka dambeeyey waan Miir daboolmay waxaan ka qaaday xaalad nafsiyadeed oo adag, Waxaan tagay Isbitaalka si aan isu baaro anigoo magaciisa Sheegin, Aad baan ubaqay Caan Nimadiisa Dib maan Uxasuusan magaciisa waayo laacibiinta caanka waxa ay doonaan ayey kaa Sameysanayaan intaa kadib Waxaa arkay sawirkeyga & kiisa oo Warbaahinta hadal heyso isagoo sheegay inaan saaxiibo nahay, Waan dacweeyey balse markii dambe waxaa lagu xaliyey inaan lacag qaato oo Maxkamad laga Fogaado “.
Cathrene ayaa Qaadatay 375 kun oo doolar tacwiid ahaan isla markaana aysan hadal lkn markii dambe waxa ay badashay Fikirkeeda waxa ayna Tiri:-
“Markii aan Arkay Ololaha lagu dhiiragelinayo Hablaha lagula Kacay Xadgudka jinsiyadeed ayaa go’aansaday inaan dacwad ka Gudbiyo isla markaana aan ka aarguto dhaawacyadii uu iisababay Nafsadeyda  taas oo ilaa Maanta aan la dhibaatoonayo”.
Sidaas ayey cathrene uga Hadashay Tafaasiisha wixii dhacay, Waxaana Booliska Daba gal Xoogan ay ugu Jiraan sidii ay uheli lahaan Dharkii daakhiliga & Labiskii kale ee habeenka xirneed Cathrine, Ilo Xog ogaal ah  ayaa Xusaya in Laanta Booliska ee Las vages ay Uyeertay Ronaldo si Su’aalo looga weydiiyo Wixii dhacay habeenkaa.
Wararka qaar oo warbaahinta Qortay ayaa xusaya in Ronaldo uu aaminsan yahay in Mu’aamaradan uu ka dambeeyo Madaxweynaha Kooxda Real Madrid Flrentina Prez, Taasoo ku aadan Qaabkii mugdiga lahaa aykukala tageen & In Laga Xarimo Kuguuleysiga Abaalmarinada shaqsiga ah.
Gabagabadii hadii Xukun ay ku rido Ronaldo Maxkamada las Vages waxa uu halis ugu Jiraa Xabsi waxaana Taasi lamacno tahay inuu soo gabagaboobay Tareenkiisa kubada Cagta, iyadoo Sidoo kale uukj qasbanaan doono inuu lacago badan uceliyo shirkadihii dacaayadda usameyn Jiray, Waxaana wiilkan reer madeera uu Heshiis la Saxiixday 21 Hey’adood 15kii sano ee lasoo dhaafay.
Haba ugu caansanaadaanee Shirkadaha Nike ee Mareykanka, EA Sports lagu daray Toyota & Konomi ee Japan, Samsugta Korea & Xadiidil Misriyiin ee Masar
Waxaana kor uqaadeen dhaqaalihii oo kor udhaafay Bilyan Doolar, waana Lacagta uu weyn doono hadii ay wax ku cadaadaan,
Daawadayaal Maxaad is leedihiin qadiyadan Waa ku idlaan kartaa? , Ronaldo maka bad baadi doonaa Sidii ay uga bad baadeen Xidigo badan oo Hore qadiyadan oo kale aysoo martay.
In Wax lagu waayo ama In Heshiis lagu dhameeyo ama In si Murugo leh uuku soo afjarmo Tareenkii Kubadda Cagta oo Marna loo fileyn halyeey wax badan ka qabsaday kubadda cagta.

Waxaa Falanqeynaya C/qaadir Qeyska 

[embedded content]


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII