LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

DAAWO: Ma Timihii Waaweynaa Ayuu U Xiisay – Marouane Fellaini Oo Timaha Jiiday Da’yarka Arsenal Ee Matteo Guendouzi & Ganaaxii Uu Mutay Xiddig Isaga Sidaa Ku Sameeyay Sanadkii 2016.

Khadka dhexe ee laacibkii Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa looga maadsaday barta Twitter-ka kaddib markii uu timaha jiiday da’yarka Arsenal ee Matteo Guendouzi kulankii labada kooxood ku dhex maray Old Trafford habeenkii xalay ahaa.

Kooxda Jose Mourinho ayaa laba jeer hoggaanka laga qabtay kulankaas ka qabsoomay gegida United balse waxa ay labada jeerba goolasha bar-bardhaca ka heleen xiddigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard.

Manchester United v Arsenal FC - Premier League

Manchester United v Arsenal FC - Premier League

Mourinho ayaa kulanka kaddib sheegay in Arsenal ay doonaysay natiijo bar-bardhac ah maadaama oo ay dhulka isku tuurayeen iyaga oo kulanka joojinaya isla markaana ay sugayeen in kulanku dhammaado.

Taa bedelkeeda United ayaa gashay qaladaad badan iyadoo qaybtii horeba kaadhadh jaale ah loo taagay xiddigaha kala ah Jesse Lingard, Marcos Rojo iyo Nemanja Matic halka qaybtii dambena kaadh la siiyay Fellaini.

Dhacdada Fella lagu siiyay kaadhka oo ahayd mida aan soo xusnay ee yaabka leh ayaa ahayd mid garsoore Andre Marriner uusan si fiican u arag walow uu qalad u dhigay Gunners.

Haddaba, Dhacdadan uu Marouane u geystay Guendouzi ayaa dunida xasuusisay markii isaga sidan oo kale uu kula kacay daafacii Leicester City ee Robert Huth laba sano kahor wakhtigaas oo 29 jirkani uu lahaa timihii Afro-ga ee uu caanka ku ahaa.

Huth ayaa mutaystay ganaax kaddib inuu timaha jiiday Fellaini isaga oo saddex kulan garoomada ka maqnaa, Nooca ganaaxaas ayaan la filayn inuu la kulmo xiddiga ree Belgium maadaama oo uusan qaladka arkayn garsoore Marriner.

Halkan ka daawo qaabkii ay u dhacday dhacdada Fellaini loogu sifeeyay mid u xiisay timihiisii waaweynaa:

 


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII