LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Ciyaartoyda Liverpool Oo Heli Doona Gunno Qiimo Badan Hadii Ay Ku Guuleystaan Tartanka Champions League – Miyey Horay U Heleen Gunno?

Real Madrid ayaa tiigsatay finalka tartanka Champions League markii sadexaad oo xiriir ah, balse waxey wajaheysaa koox ay finalka tartanka ugu dambeysasy 2007 markaas oo ay qasaaro ka qaateen laacibkii Ac Milan.

Ciyaartoyda Liverpool waxaa loo sameynayaa dhiirigalin saa’id ah si ay ugu yaraan usoo qaadaan koobka maadaama loo ballan qaaday lacag badan hadii ay magaalada Liverpool kasoo dajiyaan koobkoodii 6-aad ee taariihda.

Mid walba oo ka mid ah ciyaartoya Reds wuxuu heli doonaa aduun dhan 200,000 kun oo Pound hadii ay koobka ku guuleystaan, waana lacag lagu sheegay kala bar 15.5 Malyan oo Euro oo ay UEFA ku abaalmariso kooxaha gaara finalka tartanka.

Kooxda Liverpool waxey durba heshay lacag dhan 6.5 Malyan oo Euro markii ay gaareen tartanka wareegiisa quarter finalka, waxeyna ciyaartoyda u noqon doontaa arrintaan mid aad u dhiirigalisa.

Fenway Sports Group ayaa doonaya iney wax walba u sameeyaan ciyaartoydooda si ay ugu dhiirigaliyaan iney koobka kasoo dajiyaan Anfield iyagoo doonaya in lasoo afjaro abaarta 13-jirsatay ee koobkaan ka heysata.

Dhanka kale ciyaartoyda Real Madrid waxaa sanadkii 2016 abaalmarin ahaan loo siiyay mid walba oo ka mid ah 320,000 kun Euro, halka sanadkii tagay ay laacibkii abaalmarin ahaan u bixisay aduun dhan 71 Malyan oo Euro.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII