LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Chelsea Oo Lix Sano Ka Hor Saxiixa Mbappe Fursad U Heshay, Sababtii Ay Ku Weysay, Hanjabaadii Hooyadiis & Faah-Faahinta Wax Walba Oo Dhacay.

Da’yarka Adduunyada heysta hadda ee Kylian Mbappe isla markaana dhawr bilood ka hor hantay koobka Adduunka ayaa qarka u fuulay inuu sanadkii 2012 ku biiro laacibkii Chelsea kadib markii si tijaabo ahaan loogu keenay London.

Kylian Mbappe oo 13-jir ah ayaa yimid London si uu laacibkii Blues ugu ciyaaro, balse maamulka Blues waxey dalbadeen iney mar kale tijaabo kale ka qaado doonaan, nasiib xumo hooyadiis ayaa diiday inuu mar kale kusoo laabto England maadaama ay ka carootay qaabka ay Blues wiilkeeda ula macaamileen waqtigaas.

Serge Daniel Boga oo indha-indheeye u ahaa Chelsea tan iyo sanadkii 2014, ayaa u sheegay wax walba shabakadda Goal, sidoo kalana wuxuu kashifay sababta uu xiddiga ugu biiri waayay Blues.

“Wuxuu ku qaatay tijaabo, balse si fiican uguma qancin sababtoo ah ma laheyn difaacid ku filan waqtigaas” ayuu yiri Boa.

“Sidaas darteed, waxey hooyadiis weydiisteen inuu mar kale tijaabo usoo laabto, waxeyna u sheegtay inuusan soo laaban doonin”

Waqtigaas Kylian Mbappe wuxuu u ciyaarayay laacibkii Bondy, waana koox yar oo ka dhisan duleedka magaalada Paris.

“Wiilkeyga sooma laaban doono, hadda ayey la saxiixanayaan ama shan sano kadib waxey u diri doonaan dalab 50 Malyan oo Yuuro ah”

Boga wuxuu shaaca ka qaaday in shaqaalaha tababarka waqtigaas ee Chelsea ay doonayeen iney mar kale arkaan Kylian Mbappe si ay u tijaabiyaan awoodiisa difaaca oo aysan markaas kalsooni weyn ku qabin.

“Difaacashadiisa, kuma filneyn, marka uu kubadda helo wuxuu ahaa mid aan caadi aheyn, balse marka uusan kubadda heysan, wax badan ma qaban karo”

“Wuxuu ahaa ciyaariyahan ay qof walba dooneyso iney daawato, wuxuu lahaa wax walba oo laga doonayo ciyaartoyda casriga ah si ay usii wadaan noqoshada mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican tobanka sano ee soo aadan”

Kylian Mbappe waa 19-jir waxaana sanad ka hor lagu iibsaday 180 Malyan oo Yuuro, taasoo laba laab ka badan lacagtii ay hooyadiis ugu hanjabtay maamulka Chelsea.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *