LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Chelsea oo ku dhow inay soo gabagabeyso saxiixeeda ugu weyn xagaaga xilli wakiillada labada dhinac ay ku wada sugan yihiin London.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso ugu dambeyn inay lasoo saxiixato macallin Maurizio Sarri.

Blues ayaa xilli adag soo qaadatay sanad ciyaareedkii soo idlaaday dhowaan iyadoo ku dammeysatay meel ka hooseysa afarta kaalin ee loogu soo baxo tartanka Champions League-ga.

Napoli oo uu macallinkan iska casilay ayaa ku adkeysatay in Chelsea ay bixiso lacagaha lagu burburinayo heshiiskiisa, waxaana ugu dambeyn ay Chelsea ogolaatay inay bixiso lacag dhan £4.4m.

Wakiilka Sarri ayaa ku sugan dalka England caasimaddiisa London si ay u gabagabeeyaan heshiiska labada dhinac.

Macallinkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay laacibkii Napoli, waxaana la xiiseynayaa isla qaab ciyaareedkaas haddii uu la imaan doono EPL-ka iyo haddii uu mid kale soo bandhigi doono.

Halyeygii hore ee Blues Gianfranco Zola ayaa la tilmaamayaa inuu ka mid noqon doono shaqaalaha tababarka ee la shaqeyn doono Maurizio Sarri, sidoo kalena saxiixiisa ugu horreeya ayaa la filayaa inuu ka dhigo weeraryahanka Belgium-ka ee Dries Martens.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII