LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Chelsea oo guul raaxo leh garoonkeeda Stamford Bridge uga gaartay kooxda dhibaatooneysa ee West Brom.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Chelsea ayaa guul qurux badan ka gaartay West Brom kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, taasoo ka dhigan iney wadada guulaha dib ugu soo laabteen sidoo kalana ay saacideen macalinkooda Antonio Conte.

Blues waxey soo tiigsatay booska 4-aaad iyagoo kala baxay Tottenham Hotspur oo kulankii North London Derby guushii ay ka gaartay ay halkaas soo gaarsiisay.

Sadexda Gool waxey ka heshay Eden Hazard oo laba gool shabaqa soo taabsiiyay iyo sidoo kale Victor Mosses ayaa qudhiisa shabaqa gaaray, waxeyna guushaan fariin u tahay kooxaha United, City iyo Barcelona oo ay kulamada soo aadan la ciyaari doonaan.

Weeraryahanka cusub ee Blues Olivier Giroud ayaa saameyn aan caadi aheyn kulanka ku yeeshay, maadaama uu laba jeer isku dayay, midna waxaa ka badbaadiyay Foster midna waxey aheyd qalaama rogaal mana ku aadin goolka.

Sidoo kale Zappacosta ayaa isna qasaariyay fursad gool loo fishay inkastoo garab dhaaf ay aheyd hadana – Hazard ayaa si fudud ugu soo gudbiyay waase laga badbaadiyay.

Alvaro Morata ayaa laacibkii dib ugu soo laabtay kadib muddo uu dhaawac ku maqnaa, si fiican ayuun saameyn ugu yeeshay balse gool ma helin.

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-0, oo ay guusha ku raacday Blues, waxeyna fadhisaa booska 4-aad iyadoo 3-dhibcood u jirta kaliya booska labaad.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII