LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Chelsea Oo Dooneysa Inay Casharo U Dhigto Taageerayaasheeda Neceb Yahuuda Taasoo Qeyb Ka Ah Ololaha Uu Bilaabay Milkiilahooda Yahuudka Ah Roman Abramovich

Kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa dooneysa inay xal u helo taageerayaasheeda neceb Yahuuda iyagoo doonaa inay koorsooyin waxbarasho u furaan taageerayaasha ay ku qabtaan yahuud naceybka, waxaana koorsooyinkaas ka mid ah in la baro taariikhda dadka yahuuda ah iyo inay soo booqdaan halkii uu Hitler ku xasuuqay.

Waxaana talaabadaan ka danbeeya milkiilaha Chelsea Roman Abramovich oo isaguba yahuud ah, waxaana uu doonayaa in taageerayaasha kooxdiisa ka saaro yahuud naceybka.

Gudoomiyaha Chelsea Bruce Buck ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha Abramovich isagoo wareysi siiyay jariirada The Sun, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay doonayaan inay taageerayaasha wax u sheegeen bedelkii ay ka mamnuuci lahaayeen garoonka Stamford Bridge.

“Haddii aad dadka ka mamnuucdo garoomada ma ahan mid bedeleysa habdhaqankooda” ayuu yiri Buck.

“Siyaasadaan cusub waxa ay siineysaa fursad ay ku ogaadaan wixii ay sameeyeen islamarkaana ay si ka fiican sidii hore ugu dhaqmaan.

“Sharcigeena hore waxa uu ahaa inaan ka soo dhex saarno taageerayaasha oo aan garoonka ka mamnuucno muddo seddex sannadood ah.”

Chelsea ayaana taageerayaasheeda kala dooran siin oonta inay qaataan koorsooyinka waxbarasho ama inay halis geliyaan inay waayaan tikidhadooda xilli ciyaareedka ee Stamford Bridge.

Bishii September 2017 ka dib kulan ay la ciyaareen Leicester, Chelsea ayaa ganaaxday taageerayaal badan oo kooxdeeda ah kuwaasoo ku heesay ereyo ka dhan ah yahuuda oo loola yeeday Tottenham kuwaasoo taageerayaal badan oo yahuud ah leh.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII