LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Chelsea lacagihii ay kusoo qaadan lahayd beddelka Morata iyo Giroud!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wararka ka imaanaya gudaha Ingiriiska ayaa ku warramaya inay koooxda Chelsea ay diyaarisay lacag dhan £35m oo ay kusoo qaadaneyso weeraryahanka AFC Bournemouth ee Callum Wilson.

Weeraryahankan ayaa hadda noqday musharraxa ugu cadcad ee ay Blues suuqa kala iibsiga bisha January kusoo qaadaneyso si uu u xalliyo dhibaatada ka heysato weerarka dhexe.

Wilson ayaa Toddobo gool u dhaliyay Bournemouth ka dib 13 kullan oo uu u ciyaaray, waxaana uu si aad ah usoo jiitay dareenka Maurizio Sarri oo baadi goob ugu jiray lasoo saxiixashada weeraryahan cusub oo tayo leh.

Waxa uu sidoo kale ku wanaagsanyahay Xiddigga reer England ka qayb qaadashada goolasha xiddigaha ay isku laacibkii yihiin waxaana xilli ciyaareedkan oo sameeyay Shan caawin.

Inkastoo uu Maurizio Sarri ka saaciday Morata inuu bandhig goolal oo cajiib ah lasoo baxo, haddane Scottish Sun ayaa werrineysa Chelsea inay £35m kusoo qaadaneyso 26-jirka weerarka ugu ciyaarra Bournemouth.

Bandhigga wacan ee uu sameynayo Wilson waxa ay horseed u noqotay in loogaga yeero xulka qaranka England ee kullamada soo aaddan ciyaaraya.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII