LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

CAJIIB: Alex Oxlade-Chamberlain oo ka jawaabay xiddiga Liverpool ugu timaha badan & Kan inta ugu badan Muraayadda isku eega!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ciyaaryahanka laacibkii Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa xilli ay isaga iyo qaar ka mid ah xiddigaha ay isku laacibkii yihiin xayeysiis u sameynayeen Nivea Men waxaa la weydiiyo su’aalo yaab leh isaguna waa uu ka jawaabay.

Xiddigii hore ee laacibkii Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain oo ay dhinac taagnaayeen James Milner iyo Joe Gomez markii ay xayeysiiska sameynayeen ayaa la weydiiyey bal inuu aragtidiisa ka dhiibti xiddiga ugu timaha badan laacibkii Reds iyo midka mar waliba muraayadda aan ka hortagin ee isku fiiriya.

Laacibka xulka qaranka England ee Chamberlain waxa uu shaaca ka qaaday in Firmino uu yahay xiddiga ka tirsan Liverpool ee inta ugu badan hortaagan Muraayadda, isagoo eegaya mar waliba timihiisa.

Oxlade-Chamberlain ayaa dadka ka qosliyey markii uu Mohamed Salah ku sheegay inuu yahay midka ugu timaha badan laacibkii, isla markaana waxa uu xusay inuu meel waliba timo ku leeyahay xitaa caloosha!.

“Hubaashii Mohamed Salah aad ayuu u timo badan yahay, jirka oo dhan ayuu timo ku leeyahay xitaa Caloosha!.” ayuu ku jawaabay Alex Oxlade-Chamberlain, mar la weydiiyey bal inuu sheego xiddiga ugu timaha badan laacibkii.

Sidoo kale 24-sano jirkaan ayaa ka dhawaajiyey in xiddiga xulka qaranka Brazil ee weerarka uga dheela laacibkii Reds Roberto Firmimo uu yahay xiddiga laacibkii ee inta ugu badan Muraayadda isku eega.

“Roberto Firmimo had iyo jeer Muraayadda ayuu hor taagan yahay isagoo tinta sameysanaya!.”

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII