LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Bedelka Buffon Oo Aqbalay Inuu Ku Biiro Juventus- Magaciisa iyo Kooxda uu Ka Tirsanyahay.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay war farxad leh ka heleyso goolhayaha laacibkii Genoa ee Mattia Perin.

Gianluigi Buffon ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo isbuucan ama kan xiga inuu isaga fariisan doono kubadda cagta, sidaas darteed Bianconeri ayaa dooneysa inay hesho shabaq ilaaliye booska koowaad kula tartama Wojciech Szczesny.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa Juve lala xiriiriyay Perin, waxa uuna Giuseppe Moratta sheegay inay wada hadallo la furan doonaan laacibkii Genoa.

Labada kooxood ayaa ku heshiin la’ qiimaha xiddiggan uu ugu wareegi karo Old Lady, waxaana ay Juve ay ku dooneysaa €12m maadaama uu qandaraaskiisu ka harsan yahay hal sano oo qura, halka laacibkii Genoa ay ku madax adeegeydo inay ku hesho goolhayaheeda €20m.

Perin ayaa juve la gaaray heshiiska shaqsiga ah waxa uuna ka qaadan doonaa €2.5m, isagoo la joogi doona shan xilli ciyaareed laacibkii ka dhisan Turin sida ay wararku sheegayaan.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII